dagalka1Shabeelada Hoose(ANN)Dagaal culus, ayaa ka dhacay maanta Deegaamo ka tirsan Shabeelada Hoose. Kadib markii ay isku hirdiyeen Wadada isku xidha Baraawe iyo Buulamadheedh Dagaalyahanka Al-shabaab iyo Ciidamada Dawlada Somalia oo kaashanaya Ciidanka AMISOM.

Dagaalka ayaa dhacay. Kadib markii Al-shabaab jidgooyo u gashay gaadiid iyo Ciidan Marayay wadada, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac midna, isla markaana lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalkaa, balse warar hordhac ah, ayaa sheegaya khasaare loo geystay Ciidanka Kolanyada ahaa ee Dawlada oo qaar ka mid ah gaadiidkooda la gubay.

Sidoo kale Dagaalo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Ethiopia eek u sugan dhinaca Baydhabo, ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka soco deegaamo ka tirsan halkaa, kuwaas oo aan la oggayn khasaaraha ka dhashay.

Dagaalada ka socda qaar ka mid ah deegaamo baddan oo ka tirsan Koonfurta Somalia, ayaa ah kuwo goo-goos ah oo muddooyinkii u danbeeyay si teel teel ah uga socdo deegamo ka duwan, kuwaas oo intabadan aan la oggayn khasaaraha ka dhasha.

Todobaadkii hore, ayay ahayd markii dagaal khasaare baddan dhaliyay uu ku dhexmaray Jasiirada Kudhaa oo ku taal dhinaca badweynta India ee Koonfurta Somalia.

Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa dhowaan laga qabsaday deegamo muhiim ahaa oo ay gacanta ku hayeen, kuwaas oo ay la wareegeen Ciidamada Dawlada Somalia oo kaashanaya AMISOM, balse Al-shabaab, waxay si weyn u xoojisay weerarada qorshaysan iyo Qaraxyada sheeda laga hago oo ay magaalada Muqdisho si xidhiidh ah uga fuliyeen mudooyinkii u danbeeyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com