Araaweelo News Network

Qaahira(ANN)-Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dalalka xubnaha ah Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa kulan deg deg ah loogu yeedhay, kadib xiisada siyaasadeed ee ka taagan Qaza.

Kulankaa oo la filayo inuu maalinta  berrito ka qabsoomo Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga codsatay kulankaa deg dega ah.

Sida ay baahiyay Wakaalladda Wararka Bariga dhexe ee MENA! waxa lagu wadaa inay Wasiiradda ka wada hadli doonaan Falki iay Askarta Yuhuudda ku dileen 60 Falastiiniyiin ah Marinka Qaza oo Yuhuuddu soo weerrartay.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta waxay kaloo la filayaa in lagaga wada arrinsan doonaano Go’aankii sharci-darrada ah ee Safaaradda Mraaykanka loogu soo wareejiyey magaalladda Barakaysan ee Quddus.

Dhinaca kale, Ergadda Joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna maanta Kulan ka yeelanayaa Tacadiga lagu hayo shacbiga Falastiiniyiinta  iyo Safaaradda ay Maraykanku ka furteen magaalladda Quddus-ta La-haysto ee Juresalam.