Araweelo News Network

Haween Hindi ah

 

Delhi(ANN)- Dawladda Hindiya, ayaa ansixisay sharci cusub oo ay xukun xabsi ah ku mutaysan doonaan ragga muslimiinta ah ee furriinka degdegga ah kula kaca dumarkooda.

Ragga isku daya furriinka degdegga ah ayey suurtogal tahay in lagu xukumi doono ilaa saddex sanno oo xadhig ah sida uu dhigayo sharci cusub oo qabyo ah, haatanna laga baaraan degayo sidii looga dhaqan lahaa dalka Hindiya.

Dhaqanka furriinka, ayaa ku saleysan in ninka muslimka ah uu dalaaqo ama (furo) saddex jeer xaaskiisa isaga oo afka ka odhanaya ama qoraal uu farriin ugu diro.

Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa arrintaas ka dhigtay sharci-darro bishii August ee sannadkan 2017, waxaanay saraakiisha dawladda ee dalkaasi sheegeen in weli furriinka noocaas ah uu sii socdo.

Sharciga qabyada ah ee la soo bandhigay ayaa sidoo kale ganaaxaya ragga furriinka degdegga ah ku sameeya xaasaskooda, wuxuuna caawinayaa dumarka qaabkaas lagu furo.

Sharcigan oo loogu magac-daray sharciga qabyada ah ee ilaalinta xuquuqda guurka dumarka muslimiinta, waxa dhowaan loo gudbiyey maamul-goboleedyada hoostaga dawladda dhexe ee Hindiya, si loo naaqisho dhaqan-galkiisa.

Haddii sharcigani hirgalo ayaa la filayaa inuu si cad u mamnuuco furriinka saddexda dalqadood ah ee ragga muslimka ah halka mar kuwa dhawaaqaan, iyada oo la raacayo go’aanka Maxkamadda Sare ee Hindiya ku mamnuucday ku dhaqankiisa, waxana lagu wadaa soo saarista hannaan sharci ah oo beddeli kara kalmaddaaas sida ay qortay wakaaaladda wararka ee Hindiya.