Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)/Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee Center for Policy Analysis, ayaa daraasad ay maanta soo bandhigeen waxay kaga hadleen qodobo badan oo xasaasi ah oo taabanaya hannaanka maaliyadda ee Xisbiyada iyo lacagaha ku baxa ololaha doorashada madaxtinimada.

Arrimaha ay sida gaarka ah u eegeen waxaa ka mid ahaa, Guud ahaan lacagtii ku baxday doorashadii madaxtinimada, lacagaha debedda ka soo galay xisbiyada, dalalka ay ka soo galeen, iyo weliba sababaha keena in Xisbiyadu ay gacanta u galaan hal koox.

Daraasadda ay samaysay Xarunta CPA ayaa ku dhaliilay Xisbiyada Somaliland dhinaca daahfurnaanta maaliyadeed, waxayna tusaale u soo qaateen inaan Xisbiyadu weligood u gudbin guddida doorashada ee Somaliland Xisaab-xidhkooda, taas oo qodobka 23aad ee Xeer No.14 uu ku waajibinayo in Xisbiyadu ay sannad walba bisha March 31-keeda u gudbiyaan guddida doorashada xisaab xidhkooda, Daraasadda ayaa lagu ogaaday inaanay weligeed dhicin in Xisbiyadu ay u gudbiyeen guddida doorashada xisaab xidhkooda, sidoo kale aanay guddida doorashadu weligood weydiinin, xisbiyada, xisaab xidhkooda.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in doorashadii ugu dambaysay ay ku baxday guud ahaan lacag ka badan $54 Milyan oo dollar, hase ahaatee waxay sheegeen in lacagtani ay tahay intii ay ku ogaadeen xog-ururinta ay sameeyeen, waxayse sheegeen inay aaminsan yihiin inay jiraan lacago badan oo aan la ogayn xaddigooda kuwaas oo ku baxayey hawlo la xidhiidha doorashada, haddii lacagahaas xog badan laga helo waxaa suuro-gala in tiradu ay intan ka badato.

Arrimaha daraasaddan sida gaarka ah loogu baadhay ee ay soo bandhigtay xarunta CPA waxaa ka mid ahaa, sababaha keena in Xisbiyadu ay gacanta u galaan reero ama kooxo gaar ah, waxaana warbixinta ay xarunta CPA soo bandhigtay lagu sheegay in sababta ugu weyni ay tahay, maadaama aanay xubnaha/taageerayaasha Xisbiyadu aanay bixinin lacagihii xubinimada xisbiga, isla markaana Xisbigii u baahan yahay dhaqaale uu ku galo doorashooyinka, reeraha ayaa noqday cidda maalgelisa xisbiga, sidaas ayayna gacanta ugu galeen, in reeruhu saamayn ku yeeshaan talada Xisbiyada.

Daraasadda ayaa dhinaca kale eegtay inay jiraan dalal lacago bixiyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka qabsoonta, waxaana dadkii ay waraysteen 60% ay ku jawaabeen inay dareenkaas qabaan, waxaana dadka qaarkood ay farta ku fiiqeen dalal ay ka mid ahaayeen Turki, Djibouti, Somalia, Imaaraad iyo Qadar, hase ahaatee lama helin caddaymo sugan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka qayb-galay kulankii lagu shaacinayey warbixintan ayaa ka marag kacay inay jiraan dalal lacago soo geliyey doorashadii madaxtinimada, wuxuuna carrabaabay “… way jiraan dalal lacago ka yimaadeen sida Turkiga, Somalia, Djibouti iyo dalal kale…”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa soo dhoweeyey warbixintan isaga oo sheegay inay tahay in la raaco talooyinka ku xusan oo ka hadlaya ku dhaqanka sharciga iyo in wax laga bedelo shuruucda doorashada.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen oo isna ka qaybgalay kulanka lagu shaacinayey Warbixinta ayaa soo dhoweeyey, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in warbixinaha noocan oo kale in la dhiirigeliyo.

Agaasimaha Xarunta dhexe ee Kulmiye Caydaruus Aadan Garwaf ayaa isna ka mid ahaa martidii ka qayb gashay xafladda lagu soo bandhigayey warbixintan, wuxuun sheegay inay ka xisbi ahaan soo dhoweynayaan talooyinka la soo jeediyo ee ku socda Xisbiyada.

Masuulyiin ka socday ururada bulshada rayidka ah, dalladaha kala duwan ee Somaliland ka dhisan iyo aqoonyahan kale ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay kulanka.