London(Arraweelo News)Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ka dareen-celisay shirka Maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Dalkeeda oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Britain, Shirkado waaweyn oo caan iyo ganacsato, kuwaas oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo khudbad uu ka jeediyay halkaa kaga dalbaday in ka faa’idaystaan fursadaha maalgashi eek a jira Somaliland. Dawlada Britain, ayaa xukuumad ahaan sheegatay in ay asi buuxda u ballanqaaday inay taageero ka gaysan doonto, isla markaana ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa in Somaliland noqoto dal dhaqaale ahaan deggan, barwaaqana ku noolaadana mustaqbalka. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada Arrimaha Afrika, ahna Kaaliyaha Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK Mr. James Duddridge iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone shalay, ayaa lagu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan taageerada Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo dhaqaalaha. Dawladda Ingiriiska waxa ka go’an inay ka shaqayso sidii Somaliland looga taageeri lahaa inay noqdaan dal dhaqaale ahaan deggan, mustaqbalkana ku noolaada barwaaqo. Gargaarka Ingiriisku waxa uu Somaliland ka taageeraa dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo xoojinta maamulka maaliyadeed ee dawliga ah iyo dawlad-wanaagga, iyadoo si muhiim ah weliba looga taageero dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed lagu faafiyey bogga internet-ka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK oo Jamhuuriya Afsoomaali u turjumay. Waxa kaloo dawladda Britian sheegtayy in khayraadka kala duwan ee Somaliland hodanka ku tahay yahay mid aan welin daboolka laga furin, una baahan maalgelin lagu sameeyo. “Laakiin in badan oo ka mid ah khayraadka ka buuxa Somaliland maaha mid weli daboolka laga furay, balse, beeraha iyo xoolaha nool ee ay (Somaliland) hodanka ku tahay waa qayb abuuri karta ganacsi wax-soo-saar leh, kaasoo qiimo aad u sarreeya ugu fadhiya dadka. Ganacsigu waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa kobcinta qaybahaas (beeraha iyo xoolaha nool) iyo kuwa kale oo la xidhiidha dhinacyada adeegyada iyo warshadaha oo maalgashi ku yimaad.” Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedkaas lagaga hadlay shirka maalgashiga ee ay sida wadajirka ah u qabteen dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo ku qabsoomay magaalada London shalay, kaasoo lagu sheegay inuu gudbiyey farriin ganacsatada iyo maalqabeennada caalamka loogu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka Somaliland. “Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland waxay si wadajir ah u qabteen maanta (shalay) shir ganacsi oo la doonayo in lagu kobciyo ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee Somaliland, waxayna Ingiriiska iyo Somaliland la kulmeen ganacsatada, kuna dhiirrigeliyeen in la maalgashado khayraadka ay qaniga ku tahay Somaliland, si loo abuuro fursado lagu kobciyo dhaqaalaha, laguna yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka. Shirka labada dawladood wadajirka u qabteen waxa si mug leh loogu falanqeeyey sidii looga faa’iidaysan lahaa, loona kobcin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland. Masuuliyiinta dawladda Ingiriiska uga qaybgalay shirkaas waxa hoggaaminayey haweenayda wasiirka ah Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah ee UK- Mr. James Duddridge iyo marwo Lynne Featherstone, halka weftiga Somaliland uu horkacayo madaxweyne Axmed Siilaanyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay dalwadda Ingiriiska shalay. waxa kaloo wasiirrada Ingiriisku si faahfaahsan ugu sharraxeen warsaxaafadeedkooda waxyaabaha lagaga dooday shirka maalgashiga Somaliland oo ku qabsoomay London iyo arrimaha lagu heshiiyey ee ka soo baxay, “Ka-qaybgalayaasha shirka maanta (shalay) waxay ku heshiiyeen in xidhiidhka gargaarku noqdo mid muhiim ah, laakiin ganacsiga iyo maalgashiga la xoojiyo, kuwaasoo caddayn u noqon kara muhiimadda ah in la kordhiyo shaqo-abuurka, lana suurtogeliyo joogtaynta koboca dhaqaalaha iyo in barwaaqo laga hirgeliyo gudaha Somaliland. Dadka Somaliland ku nool 63% oo ragga iyo 80% dumarka ah, da’dooduna u dhexayso 25 iyo 34 jir waa bilaa camal aan wax shaqo ah hayn, taasoo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.” Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Foreign Office Minister) Mr. James Duddridge oo shirka hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in dawladdiisu ka shaqayn doonto sidii mustaqbal iftiimiyaha loogu dhisi lahaa dadka reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Dawladda Ingiriisku waxay ku faraxsan tahay inay dhisto, kobcisana shirkadaha ganacsiga ee Afrika oo aan laga reebayn Somaliland. Waxaannu doonaynnaa in aannu isku xidhno awoodaha, rajada iyo xooga mishiinka ee dadka Somaliland, taasna waxaannu u doonaynnaa in aannu abuurno degaan ganacsi oo soo jiita maalgashiga, kaasoo sidoo kale dhiirrigelin u ah rajada ifaysa ee Somaliland in lagu noolaado ah iyo in taasi keento iyo dadka ka maqana ku laabtaan Somaliland.” Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Mrs. Lynne Featherstone, ayaa iyaduna caddaysay in dawladdeedu ka shaqaynayso sidii meesha looga saari lahaa ku-tiirsananaanta Somaliland ee gargaarka iyo lacagaha dibadaha laga diro, loona abuuri lahaa maalgashi iyo fursado ganacsi. “Ganacsigu waxa uu noqon doonaa xuddunta kocoba iyo horumarka Somaliland, kaasoo mar horeba ka hirgalay Hargeysa, iyagoo dadku bilaabay inay abuuraan ganacsiyo cusub iyo meherado dukaanno ah, kaasoo ku hirgalaya maalgashi. Ganacsiga iyo shaqooyinku waxay hoos u dhigi karaa in Somaliland ku tiirsanaato gargaarka iyo lacagaha dibadaha laga soo xawilo, dadkuna waxay doonayaan inay si iskood ah u xoogsadaan si ay faqiirnimada uga baxaan. Dadku waxay doonayaan inay sharaf ku noolaadaan, taasoo ku iman karta shaqo-abuur iyo inay masruufaan qoysaskooda, markaa dadka reer Somaliland iyo shirkadahooda ganacsiguba taas kama duwana, sharaftaas oo kale inay haystaan ayeyna doonayaan,” ayey tidhi Mrs. Lynne. Dhinaca kale, waxa warsaxaafadeedkaas muujiyey in xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku aad u xoogaysanayo, iskuna soo dhawaanayo, isla markaana Boqortooyada Britain xafiis ka furatay Hargeysa sannadkii 2012. Araweelonews Somaliland Hargeisa office arraweelo.com@gmail.com