Araweelo News Network

 

Baydhabo(ANN)-Dawladda Britain, ayaa xukuumadda Soomaaliya ee Federaalka u tababartay in ka badan 500 oo ka mid noqonaya ciidaamadda Millateriga ee Soomaaliya, kuwaas ka dhamaystay(UK military training centre Baidoa) xarunta Tababarka Amniga Dawladda Britain ku leedahay Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo.

 

Sida lagu shaaciyay shebekadda forces.net oo arrimaha ciidamadda ka hadasha, waxayna Ciidamada Ingiriiska ee tababarka u fidinayay Ciidamadda Qaranka Soomaaliya tan iyo bishii Jan 2017, tababarka ay siinayaan ciidamadda Soomaaliya  diiradda ku saarayaan bixinta caafimaadka, horumarinta hoggaaminta, sahayda iyo tababarka xuquuqda Aadanaha.

 

“Tababarka aan bixinnay wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha xasilooni iyo barwaaqo, Ciidanka Qaranka Soomaaliya way soo dhoweeyeen, iyaga  oo doonaya inay  bartaan waxyaabo  xirfadle ah, waana sii wadaynaa horumarka dalkooda.”  ayuu yidhi Mark Lancaster, oo ah wasiirka Ciidanka ee dalka Britain.

Warar laga xigtay Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegaya in ujeedada muddada fog ee barnaamijka  ay siinayaan ciidamadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya  ay tahay in lagu amro saraakiisha ciidamadda Soomaaliya  inay noqdaan kuwo isku-filnaansho ka gaadha tababarka ciidankooda.

Dhinaca kale Xukuumadda Ingiriiska ayaa u dirtay Soomaaliya ciidan gaadhaya 85 askari si ay u tababaraan oo ay ula shaqeeyaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Haweenayda Ra’iisal Wasaaraha Britain Theresa May, ayaa mar ay shalay booqasho ku timi Nairobi oo ah xarunta dalka Kenya xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqay qorshe cusub oo maaliyadeed oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Ciidamadda Britain Maxay ka Qabanaayaan Soomaaliya.?