Araweelo News Nework

Muqdisho(ANN) – Ra’iisal wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday Somaliland si loo gaadhsiiyo deeqdaa deegaannada duufaanku saameeyeen.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira, isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaadhay.

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah, ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yidhi, Ra’iisuwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadda Webiyada iyo Roobabka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidh
Muqdisho, Soomaaliya