Araweelo News Network

The United Arab Emirates (UAE) ambassador to the European Union, Abushahab (FL) [Tiwitter]

Muqdisho(ANN)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii Brussels ee lagaga hadlayay Arrimaha  Soomaaliya oo dhaqaale gaadhaya 1.2 billion oo Euro lagaga yaboohay.

 

Sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee dawladda Federaalka, kaas  lagu xusay in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen in ay Somalia ku yaboohayaan 1.2 billion oo Euro ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in ay soo dhaweynayaan hadal ka soo yeedhay danjiraha dawladda Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg Ambassador Mohamed bin Isa bin Hamad Abushahab oo shirka Brussals ka sheegay in Imaaraadka ay ka go’an tahay taageerida dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta Somalia oo ay soo celinayaan taageeradii ay siinayeen dawladda Soomaaliya  balse wuxu xusay in dawladda Federaalka loo baahantahay in ay ka fogaato wuxuu ugu yeedhay xulufaysiga.

Dhawaaqa Ambassador Abushahab, ayaa kusoo beegmay, iyadoo dawladda Federaalka  iyo Imaaraadka xidhidhkoodu xumaa muddooyinkii u danbeeyay, balse dawladda Somalia ayaa sheegtay, in ay soo dhaweynayso fursad kasta oo lagu horumarin karo ajandaha qorsheheeda istaraatiijiga ah.