Riyadh(ANN)-Amirka awoodda baddan ee leh dhaxalka Qoyska boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay ogoshahay in baadhitaan lagu sameeyo gudaha qunsuliyadda ay ku leeyihiin magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga, si loo baadi doonka loogu jiro weriye u dhashay dalkaasi Sucuudiga oo la sheegay in markii ugu dambeysay uu ku sugnaa qunsuliyadda.

Sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyay Bloomberg Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu sheegay in dowladiisu ay Turkiga u ogoshahay in dhismaha qunsuliyadda ay ka baadho Jamaal Khashoggi oo talaadadii la soo dhaafay booqday qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul, balse wixii xiligaa ka dambeeyay aan laga war hayn meel uu ku danbeeyay.

Maxamed bin Salmaan, ayaan toos uga jawaabin su’aal ahayd in wax dacwad ah ay dowladdiisa u haysato weriyahaa, maadaama Werilyaha la waayay oo u dhashay Sacuudiga uu caan ku ahaa dhaliisha siyaasadaha dowladda dalkiisa ee Qoyska Boqortooyadu higgaamiso.

Weriye Jamaal Khashoggi, wuxuu sidoo kale wax ku qorayay Wargayska Washington Post, isagoo qunsuliyadda u tegey si uu “warqado u buuxbuuxiyo” sida warhaysku sheegay, balse aan markaas wixii ka dambeeyeyna aan warkiisa lama maqlin.

Xubno ka tirsan qoyskiisa, gaar ahaan xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tegayay ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, waxaana Weriyahaa oo lagu naanayso Khashoggi laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Wargeyskaasi ayaa maanta soo saaray daabacaaddiisa cadadkiisa iyada oo uu madhnaa boggii uu suxufigaaasi wax ku qori jiray, waxaana weli taagan Jahawareer ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyay Weriyahaa , ayadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters in wararka sheegaya inla la’ yahay Khashoggi ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, uuna qunsuliyadda ka baxay in yar ka dib markii uu yimid, balse xaaska Weriayahaa oo dhismaha dibadiisa joogtay aya arrintaas ku gacan saydhay, waxayna sheegtay in aanay jirin cid aragtay.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xidhiidh la samaynayeen dhigooda Sacuudiga ayagoo xaaladda kala hadlayey.

Khashoggi ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Maraykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan.

Khashoggi oo hore u ahaa Tafaftiraha wargayska Al-Watan iyo TV muddo kooban jiray, ayaa sidoo kale ka qayb qaadan jiray barnaamijyada BBC ee looga hadlo arrimaha Sacuudiga iyo bariga dhexe.

Sidoo kale waxa jiray xiliyo uu la taliye u ahaa qoyska boqortooyada ee Sacuudiga, muddo dheerna waxaa loo arkayey qof arrimaha hoose u dhuun daloola, ilaa iyo intii uu ka tegey sannad ka hor, xilli ay dalkaa ka bilaabmeen Ugaadhsiga ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda Iyo xoriyatul qawlka oo sababay in dad baddan xabsiyada Dalka sucuudiga loo taxaabay.

Weriyahaa la waayay, waxa kale oo uu ahaa shaqsi aad ugu dhow oo xidhiidh la lahaa Hoggaamiyihii  Al Qa’ida, Ossama Bil Laden, kaasoo uu wakhtiyo badan ula safray Dalka Afganistan, sannadihii 1980-meeyadii, intii uu Soofiyeetku dalkaas ku jiray, walow uu markii dambe si cad u diiday fikradihii Bin Laden, oo ay kala hadheen muddo dheer ka hor weerarradii 2001 lagu qaaday Maraykanka.