Araweelo News Network

 

Caddaadley(ANN)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer ku tegay beeraha deegaanka Caddaadley, oo qiyaastii 90km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Hargesa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Iyo xubnaha  weftigiisa, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay deegaanka, waxayna kulamo la yeesheen maamulka iyo odeyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Degmada Cadaadley Cumar Maxamed oo xafiiskiisa ku qaabiley weftiga, waxayna  halkaa ka jeediyeen hadalo  kooban, iyagoo ka waramay ujeedada booqashadooda la xidhiidha deegaanka oo ay sheegeen in ay salka ku hayso sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka, Isla markaana loo dhiiri gelin lahaa dadka beeraleyda ah.

Agaasimaha Guud  ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Maxamed Cilmi oo hadal kooban ka jeediyay, halkaa  ayaa beeralayda deegaanka Caddaadley ku booriyey inay wax soo saar la yimaadaan, isagoo yidhi,  “Waxaan idiinka mahadnaqayaa sidaad noo soo dhaweyseen, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Cumar (Guddoomiyaha degmada Caddaadley) oo maalin walba xafiiska noogu imanayey, isla markaana aanu ka wada hadlaynay sidii loo dar dar galin lahaa wax soo saarka deegaanka” ayuu Yidhi  Agaasime Ilacase.

Agaasimaha oo ka hadlayay taariikhda deegaankaa, ayaa Yidhi,  “Magaalada Cadaadley waa magaalo taariikhi ah markaa maanaan ilaabin imikana waxa ay nooga mid tahay meelaha laga fikirayo ee sida qorshayaasha loo kala horumarinayo ee la leeyahay sidee halkaa wax uga qabanaa, waxaananu idinku dhiirigalinaynaa inaad dhankiina ku dedaashaan wax soo saar oo nasiib wanaag waxaad haysataan guddoomiye wanaagsan”. Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Dhinaca kale   Guddoomiyaha Degmada Caddaadley Cumar Maxamed, ayaa weftiga ka socday wasaaradda horumarinta beeraha uga waramay xaalada beeralayda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin wax soo saarka, isagoo Yidhi,“Dhammaan hawl wadeenada wasaaradda markii aanu araaji badan u qoranay oo lahaa mid beereed iyo mid guud kadib waxaa noo farxad ah inaad halkan noogu timaadaan oo wixii aanu idiin sheegaynay aad indhihiina ku soo aragtaan”.

Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Horumarinta beeraha Cabdirisaaq Sh. Muxumed Gaboobe oo halkaasi ka hadlay ayaa beeralayda ku booriyey inay isku filaadaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Deegaanka Caddaadley sidaanu la socono waa deegaan beeralay ah, markaa waxa aynu cuno badi dibada ayaa la inooga keenaa waxaanan idinku boorinayaa inaad wax la soo baxdaan oo aad isku filaataan”.

Sheekh Cabdilaahi Xasan Axmed oo ah sheekha degmada Cadaadley ayaa khudbad kooban oo uu madasha ka jeediyey waxa kaga hadlay muhiimada beeruhu leeyihiin, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Deegaankani waa deegaan beeralay ah, dhulkanina waxa uu isugu jiraa Beer roobaad, beer biyood iyo xoolo dhaqato oo dadka deegaanku sadex doox oo degmada ka tirsan ayey biyaha ka cabaan oo deegaankan mara waxaana la kala yidhaahdaa Dabis, Qudhaco iyo Cadaadley, meeshuna waa dhul dhagaxa oo Beeralayda wixii caqabad la soo gudbnootaana ee awoodooda ka badan inaad wax kala qabataan ayaanu idinka codsanaynaa”.

Sidoo kale Cabdi Caydiid Cigaal oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa waxa uu weftiga uga mahadnaqay booqashada deegaanka Caddaadley, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay la soo baxdo wixii ay cuni lahayd.

Dhinaca kale Agaasimaha wasaaradda Hrumarinta Beeraha Iyo wefdiga la socday ee booqday deegaankaa ay ka mid ahaayeen  koox ka mid ah khubarada wasaaradda Beeraha, ayaa dadka deegaanka ee beeraleyda ah siiyay tababar la xidhiidha sida loola dagaalamo cayayaanka ku dhasha beeraha ee waxyeela dalaga..