Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Diyaarad ay leedahay dawladda Imaaraadka oo siday shixnad lacag Malaayiin dollar ah, ayaa maanta ka degtey dhabaha diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

 

 

Diyaaradaha oo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan dowladda Imaaraatka carabta ayaa siday shanadado xidhan oo laga soo buuxiyay lacag dollar ah oo xukuumadda Imaaraadku ku waday gudaha Soomaaliya, balse saraakiisha garoonka ayaa sheegay inay qabteen lacagtan oo ku jirtay shandado, kaddib markii ay ka shakiyeen, waxayna dalbadeen in la baadho, laakiin howlwadeennada safaaraddda Imaaraatka ee Muqdisho ayaa diiday in la furo shandadahaa

 

Diblamaasiyiinta Safaaradda Imaaraatka ee Muqdisho oo diiday in la baadho shandadaha ay leedahay safaarada ay dalka ku leeyihiin, ayaa lagu khasbay in la baadho, waxayna markii lagu arkay lacagtaa ku doodeen in lacagtaa loogu talagalay mushaharka ciidamada Soomaalida ee uu Imaaraatku tababaro, balse saraakiisha xukuumadda Soomaaliya ee dhinaca amnigu kuma qancin arrintaa, waxaana muran dheer kaddib lacagtaa oo cadadkeeda lagu sheegay $ 9, 600, 000 malyuun la wareegay ciidamadda lagu magcaabo NISA, kuwaas oo ku ilaalinaya xafiiska ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Dhinaca kale Safiirka dalka imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Xamaadi, ayaa Idaacada VOA qaybteeda Af-Soomaaliga ka sheegay jiritaanka lacagtaa, balse wuxuu beeniyey in lacagtaasi ay u socotay safaaradda, isagoo ku dooday in lacagtaasi ay ahayd mid loogu talogalay mushaharaadka ciidanka, wuxuuna xusay in Madaxda dawladda Soomaaliya ay ka war qabeen in lacagtaa ay keenayaan, isagoo waxba kama jiraan ka dhigay in hore loogu war geliyay in aanay Soomaaliya keeniin lacag sidan oo kale ah.

 

Arrintan, ayaa kusoo beegantay, iyadoo xiisada u dhaxaysa Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhalatay mooshinka la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiye Jawaari sii murugtay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in lacagtaa lagu difaaco Prof. Maxamed Cismaan Jawaari si aan loogu guulaysan mooshinka xukuumadda Ra’iisal wasaare Khayre ku waddo ee loo adeegsaday xubno ka mid ah Baarlamaanka.

 

Dawladda Imaaraadka, ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinaca amniga iyo tababarka ciidamadda, waxayna si gaar ah u maamushaa ciidamo ay ku bixiso dhaqaale malaayiin dollar ah, balse wixii ka danbeeyay heshiiskii DP. World iyo Xukuumadda Somaliland, waxa sii xumaanayay xidhiidhka xukuumadda Federaalka ah iyo Imaaraadka.kaddib markii xukuumadda Soomaaliya canbaaraysay heshiiskaa DP. World kula wareegtay dekedda istiraatiijiga ah ee Berbera.