Araweelo News Netwerk

Saylac(ANN)-Raxan Diyaaradaha dagaalka ah oo aan la aqoonsan, ayaa maanta argagax ku riday dadka ku dhaqan Magaalada Xeebta galbeedka Somaliland ee Saylac.

Diyaaradahaa oo dadka deegaanku si weyn uga wer wereen, ayaa Magaalada kaga yimi dhinaca Bada iyagoo ku duulaya joog hoose, Isla markaana waxay diyaaradahaa oo ah kuwa Milaterigu ku dul haadeen dhismayaasha magaalada, iyagoo marba dhinac u haadaya.

Xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah kasoo saarin ujeedada duulimaadka diyaaradaha milateri ee aan la aqoonsan, waxayna duulimaadkooda kusoo beegeen xili wefdi ka socda dawladda Turkigu booqanayeen magaalada Saylac.

 

Telefishanka Bulsho ayaa baahiyay duulimaadka diyaaradaha Milateri oo ku dul wareegaya magaalada Saylac, iyagoo ku duulaya joog hoose, waxayna wax ka weydiiyeen dadweynaha magaalada qaarkood.

Halkan ka Daawo muuqaalka Diyaaradaha.