Gudoomye Cirro1

Hargeysa(ANN)Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wakiiladda loogu yeedhay, kadib markii Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro iclaamiyay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa guuldaraystay gebi ahaanba, kaas oo waayay kooram.

Xayndaabka dhismaha Baarlamaanka, ayaa saaka lasoo dhoobay Ciidamada Amaanka, waxaana madasha kasoo xaariday garabka xildhibaanada ee uu Guddoomiye Cirro oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI hogaamiyo, kuwaas oo aan ka badnayn labaataneeyo xildhibaan, balse garabka xildhibaanada Muxaafidka ayaa ka maqnaaday gebi ahaanba fadhigaa oo qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka cusub ee dhawaan la soo magacaabay.

Mudanayaasha Muxaafidka iyo mucaaradka, ayaa hanjabaado is weydaarsaday todobaadkii hore, waxayna muxaafidku ku hanjabeen in ay Guddoomiye Cirro ka qaadayaan tallaabo sharci, iyagoo ku eedeeyay inuu ku gefay Dastuurka Dalka, isla markaana ka been sheegay xeerka kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay ee Diiwaangelinta medeniga ah, waxayna muxaafidiintu sheegeen in haddii la furo golaha iyadoo aan laga heshiin gefka uu galay Guddoomiyihu ay maamuuska ka xayuubinayaan, balse garabka difaacaya Guddoomiyaha ayaa dhankooda ku hanjabay in haddii la keeno golaha mooshin ku waajahan Guddoomiyaha ay kaga jawaabayaan maamuus xayuubin Madaxweyne, waxayna ku doodeen in ay hayaan qodobo Dastuuri ah oo Madaxweynuhu jebiyay.
.
Hase yeeshee hanjabaadaha labada dhinac ee la filayay saaka in ay ku kala calaf qaadaan Fadhiga aan caadiga ahayn, ayaa dhicisoobay. Kadib markii la waayay Kooramka sharciga ah ee lagu furi karo fadhiga golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii uu guuldaraystay fadhigu kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu ka xunyahay in xildhibaannada goluhu ka maqnaadaan fadhiga, isagoo xusay inuu halkaasi ku xidhmay kalfadhigii aan caadiga ahayn ee golaha la isugu yeedhay, waxaannu yidhi, “Xildhibaanada yimid oo mucaarad iyo muxaafad ba isugu jiraa waa kuwo waajibkooda dastuuriga ah guddanaya, xildhibaannada naga maqana waan ka xumahay inay naga maqnaadaan oo maqnaanshahooda fadhigu u qabsoomi waayo. Sidaas darteed kalfadhigii aan caadiga ahayni sidaas buu ku dhammaaday waxaannu isku soo noqonaynaa kalfadhiga caadiga ah 8-da bisha 11-aad.”

Guddoomiye Cirro, wuxuu ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay farogelin ku hayso golihiisa, “Waxay ila tahay Dastuurkeenu si cad buu u qeexayaa inaanay is farogalin karin Sharci-dejinta, Fulinta iyo Caddaaladdu, markaa Golahan farogelinta xukuumaduhu kuma cusba, tii horena way soo farogalisay, tana waydinkaa arkaya farogalinteeda, laakiin mudanayaasha ayuun buu xilku saaranyahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in golaha sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaalino, waajibka dadku inoo doortayna fulino.”

“In doorashada ay dib u dhigayso arrintani waa marag ma doon, in badan baanu lahayn doorashada dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in shacbigu indhahooda furan, in tana ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayey doorashada iyo diiwaangalinta, waayo hay’adda Komishanku waa hay’addii ka masuulka ahayd doorashada, markaa haddii aynu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye?” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dhinaca kale, xildhibaanno ka mid ah kuwa muxaafadka ah oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ay uga maqnaadeen fadhiga golaha ku macneeyey inay doonayaan in dib loo saxo qalad uu Guddoomiyahoodu galay kadib markii uu Golaha Guurtida u gudbiyey xeerka diiwaangelinta oo aan ahayn sidii xildhibaannadu u ansixiyeen, waxaanay ugu baaqeen guddoomiyaha in laga wadahadlo xeerkaasi ka hor inta aan la ansixin Komishanka Doorashooyinka., basle dhamaan doodadaha waqti lumiska ah ee hadheeyay golaha Wakiiladda, ayaa u muuqda xeelad ay heshiish ku yihiin axsaabta, xukuumadda iyo Baarkamaanku oo la xidhiidha in mar marsiiyo loo helo muddo kordhin.

Araweel News Network
Somaliland Office
Info@araweelonews.com