Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Waaxda Faya-dhowrka ee gobolka Benaadir u qaabilsan ka hor tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecaddaha kana ka hawl-gasha Dekedda weyn ee Xamar ,ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo Daawooyin uu waqtigeedu dhamaaday oo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay’addaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.

“Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baadhno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaaDh ayay, baadhitaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano daqiiq dhacday ku jirto, kuwaas oo biyo ay soo gaadheen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa”. Ayay tidhi, Marwo Basmo Caaimir.

Guddoomiye Basmo Caamir, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in aanay dib dambe u keenin dalka wax aanay naftooda u quudhin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo gelaya .

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Benaadir
Muqdisho-Soomaaliya