Araweelo News Nework

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.

Kulankan oo ah kii saddexaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, ayaa ahaa mid wada-tashi iyo is xog-waraysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya danta guud ee qaranka.

Waxyaabaha liishaanka lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa kamid ahaa sidii meel looga soo wada-jeesan lahaa xoojinta midnimada umadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaana ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale la iskula meel-dhigay in wada-jir iyo isku-duubni lagu wajaho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sanadkii tegay ee 2017-ka.

Waxa kale oo kulankan la la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka.

Kulanka madaxweynaha iyo labada hoggaamiye ee xisbiyada mucaaridka ah, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana la isla waafaqay in meel looga soo wada jeesto hirgelinta himilada guud ee uu qaranka Somaliland leeyahay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland