Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)– Shirka golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisal wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oo golaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yidhi Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiirada.

Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno lagaga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaadhay, isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay ka mid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deymaha kale aanay gelin Dawladdu iyo in bixinta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Wasiirka shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.

Sidoo kale Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday laysla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”

Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno lagaga dhegeystay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xodhiidhka
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya