WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa go’aamiyay in la bedelo  xuska maalinta shuhudada SNM ee 17 Octoobar kadib dood arrntaa lagu falanqeeyay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Shirka golaha wasiirrada fadhigoodii 23-aad kaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda, ayaa sidoo kale warbixino kala duwan lagaga dhegeystay xubno ka mid ah wasiirrada, waxaana shirkaa oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland laga soo Qoraal saxaafadeed, kaas nuqul ka mid ah oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network u qornaa sidan:-

 

“Kal-fadhigii 23-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/2018, waxa lagaga dooday arrimaha amniga, waxbarashada iyo macdanta & tamarta, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirada, arrimaha gudaha, waxbarashada & sayniska iyo macdanta iyo tamarta

Waxaana ugu horayn halkaasi warbixin ka jeediyey Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixyey Nabadayntii ay dhex dhigeen beelihii walaalaha ahaa ee ku dagaalamay koonfurta Gobolka Sool, iyadoo Goluhu uu ku bogaadiyey wefdigii Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxgaradkii iyo culumadii ka qayb qaatay deminta iyo soo afjaridda colaadaa, waxayna beelahaas ugu baaqeen inay go’aanada nabadaynta ay u hogaansamaan labada dhinac.

Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanu wasiirku ku dheeraaday qiimaha macdanta ku duugan dalka iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa, isagoo sheegay in la gaadhay wakhtigii ku haboonaa khayraadka dalka loola soo bixi lahaa, gaar ahaan macdanta.

Dhinaca kale Wasiirka wax-barashada iyo Sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey deeqdii waxbarasho ee ay wasaaraddu ka heshay dalka Itoobiya, waxaanu sheegay wasiirku inay ku qaybiyeen si caddaalad ah, ayna u eegeen sida Iskuulada dalka ay ardaydu uga soo kala baxday, isagoo xusay in gobolada qaar ay yarayd saamiga ay ka heleen deeqda maadaama ay yaraayeen ardayda ka soo baxday dugsiyada sare ee goboladaasi, balse ay u sameeyeen inay gobolada kale ay ka kaabaan oo ay u kordhiyaan tirada ardayda deeqda waxbarashada heshay. Waxaanay u dhignayd shaxdaasi sidan:-

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo tixgalinaya mabaadiida aas-aasiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sooyaalada halgamadii taariikhiga ahaa ee dalka soo maray, sida Halgankii Gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka, waxay go’aamiyeen in maalinta Xuska Shuhadada SNM ee 17-ka Oktoobar magaceeda loo bedelo xuska Maanta Geesiyaasha Qaranka Somaliland ee 17-ka Oktoobar.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland