Araweelo News Network

Cabdikariim Xinif

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Mud. Cabdikariin Axmed Maxamed (C/kariin Xinif) Ayaa si ku meel gaadh ah u joojiyay wada-shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adda Candle light ee maxaliga ah.

Guddoomiyaha ayaa shaqo joojinta Hay’addan ku socodsiiyay Hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin ee Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ka taageera dib-udejinta iyo arimaha qaxoontiga.

Hay’adda FCA. NRC.DRC.WORLD VISITON. IOM. AAHI. UNCHR.WFP. Ayuu Guddoomiyhu fariin u diray in ayna la shaqayn Hay’addab Candle Light, isla markaasna aanay dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland ku sugan.

Candle Light, ayaa joojisay xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Ha’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, ka dib markii ay ka soo jawaabi wayday xidhiidho kala duwan oo lala sameeyay masuuliyiinta ugu saraysa, Email iyo fariimo kala duwana oo loo diray, sidoo kale waxa ay Hay’adda Candle light soo gudbin wayday qorshaheedii sanadka cusub ee 2018-ka .

Dhamaan Hay’adaha iyo Ururada ayaa la faray in ayna Hay’addaasi dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga dalka ku sugan.
Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif) ayaa sidaasi ku sheegay waraaq qoraala oo uu diray cida ay khusayso arintani.