Araweelo News Network

Sharmaarke Geele

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay Fasaxday Shaqaalaha Dawladda Maalinta Sabtidda ee Bishu tahay 14/4/2018-ka oo ay  beegan tahay habeenka Jimcaha habeenkii Laylatu Micraaj ee  Samadda loo dheelmiyay Nebi Muxamed (NNKH) korkiisa ha ahaate. Sidaa awgeed Sabtida loogu bedelay shaqaalaha maalintaa Fasaxa.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland  Sharmarke, wuxuu sheegay in dadku shaqooyinka ka nasan doonaan maadama oo ay tahay maalin umadda Islaamku waynaynayso oo xusayso maalintan Nebigii Suubanaa ee Nebi Muxamed (SCW) Samada loo dheelmiyay oo dunida Islaamka laga xuso.

 

Guddoomaye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ku dhawaaqayey xuska maalintan qiimaha leh ee La dheelmiyey Nebi Maxamed  (CSW) in shaqaalaha dawaldda Somaliland uu fasaxay , isagoo qoraalka wargeilinta ah ku yidhi sidan:-

Wargelin Fasax
Maalintii la Dheelmiyey Nebi Maxamed NNKH الإسراء والمعراج
Iyada oo Maalinta beri ah ee taariikhdu tahay  27 Rajab ee1439, Isla markaana ku beegan 13/04/2018 ay tahay maalintii Nebigeenii NNKH loo dheelmiyey Sammada si uu Alle SWT u la soo kulmo
Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo qiimaynaya maalintaa boqran, kana warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14/04/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd.

Maalintan oo ku beegan beri oo Jimce ah ayaa fasaxa loogu riixay maalinta Sabtida maadama Jimcuhu aanu ka mid ahayn maalmaha shaqo..

Shaqaalaha Dawladda meel ay jooganba Waxaan u rajaynayaa Cizi, Cibaado iyo Caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe” ayuu yidhi, Sharmaarke.