Araweelo News Network

Guddoomiyaha UCID Faysal

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta kusoo laabtay dalka, ayaa difaacay kulan uu Dalka Belgimka kula yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo si weyn loogu dhaliilay, Isla markaana Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay kulankaa mid layaab ku noqday oo aanay xukuumaddiisu waxba ka ogayn.

Balse Guddoomiyaha UCID oo maanta lagu soo dhoweeyay Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in aan lagu mashquulin kulanka uu Farmaajo la yeeshay ee la is weydiiyo Toddoba Bilood ka hor miyuu ka wanaagsanaa Dalku sida uu yahay maanta, wuxuuna iku hanjabay in haddii ay u arkaan in aanay jirin awooddii Dalka lagu wadi lahaa ay ka tashanayaan.

Guddoomiye Faysal, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay waraysi uu siiyay warbaahinta.

Halkan ka Daawo.