Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa KULMIYE inay ku fashilmeen sidii loo midayn lahaa bulshada ku kala qaybsantay doorashadii Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka qabsoontay bishii November ee sannadkii 2017.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey kulan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland lagu gorfeeyey oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa habeenkii Sabtida, waxa uu sheegay in Somaliland ay waqtigan kala qoqoban tahay, waxaannu yidhi; “Anigu waxaan is-lahaa ha hadlin ilaa maamulka Muuse Biixi uu gaadhayo 100 maalmaahood, laakiin waxa aan ka baqayba in la islaba gaadhi waayaba, markaa waan hadlayaa caawa (habeenkii Sabtida), waxa aydaan ogeyna waan idiin sheegayaayoo, innagu waa kala qoqoban nahay oo waxa ay daantaasi qabto idinku ma ogidin, waxa aad idinku qabtaanna daantaasi ma oga, Gaxan-libaaxna waxay qabtana Axmed-dhagaxna ma oga, waa la kala qoqoban yahay, adduunkana waa ka qoqoban nahay.”

Waxaannu intaas ku daray; “Horta dil-dillaacan iyo kala-qeybsannaantan socotaa waxa ay bilaabantay waqtigii dalka la xorreynayey, haddii seeska gurigu dil-dilaaco, gidaarku wuu dil-dilaacaa. Dagaalkii SNM-ta ee 1991-kii bilaabmay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali (AUH) oo sagaal bilood iyo toddoba iyo toban beri markii uu hayey xukunka ee SNM-ta ayaa dalku xorroobay. Laba sanno ayuu dastuurku dhigayey, waxa la garan waayey ninkaasi ugu yaraan haddii wax kale aad ku ixtiraami weydaan, ku ixtiraama nasiibkaas oo dadajiyey, waa tii la ogaayoo, waa tii kabaha lagala baxay, waa kii dagaalka sokeeye Burco ka dhacay, waa kii Berbera ka dhacay, waa tii Boorama la fadhiistay, waa tii xalka la doonay, waa kii soo baxay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Anigu markaa 1993-kii ayaan imi halkan aniga oo Maraykan ku socda wejiga markaas oo durbaankaas la garaacayo, dadku markaas wuu soo guuray oo weli gudaha Hargeysa lama wada dagin, oo guryaha saqafyadu way wada maqan yihiin, biyuhu ma jirin, dadku waxba ma haysan.

Horta jawigii aan 1993-kii ku soo arkay ayaa maantana taagan haddii aydaan ogeyn, haddii aan laga hortagina waxa dhacay dagaal kale, runta ayaan idiin sheegayaaye. Doorasho ayaa dhacday, doorashadii qabiil bay ku dhacday, maalin baan maqlayey Maxamed Xaashi oo leh berigii Ina Cigaal ka helay codka ayuu yidhi; ‘Illaahayow! Malaha dadka ama sidayda ka dhig ama Ilaahayow iyaga sidooda iga dhig.’ Horta waxay ahayd inuu yidhaahdo; ‘Illaahayow, sidayda ka dhig.’ Iminka aniguna waxaan leeyahay; ‘Ilaahayow, dadka sidayda ka dhig.’
Eng. Faysal Cal-waraabe, ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi markii ay ku guulaysteen doorashada aanay samayn nidaam dib loogu heshiisiinayo dadkii ay doorashadii Madaxtooyadu kala qaybisay.
“Waxa laga rabay inay dhisaan dawlad sal-ballaadhan oo dib-u-heshiisiin sameysa, may sameyn, annaga iyo Cabdiraxmaan noomay yeedhin, arrinta (dagaalkii) Darar-weyne noogamay yeedhin, Tuka-raq noogamay yeedhin, sidii bisaddii aan ka maahmaahayey ayey meesha la galeen keligood…Waxa la xummeynayaa Ciidammada Qaranka, waxaanna xummeynaya dad fidno doonaya oo aannu ognahay inay daaro ka dhisteen dagaalkii sokeeye ee hore.”

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi, Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha looga fadhiyo inay dadka mideeyaan, waxaannu yidhi; “Haddaba, waxa weeye dawladda ayaa looga joogaa inay sameyso oo Muuse Biixi, Saylici iyo Kaahin inay dadka mideeyaan, dadkana waxa qabiilka dawladda ayaa ka rara, dawladda ayaa nidaam u sameysa, dawladda ayaa caddaaladda u sameysa, dawladda ayaa u sameysa nidaam loo wada dhan yahay (Inclusive), intaas iyaga ayaa looga fadhiyaa.”

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa caddeeyey inay shir yeelan doonaan isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi; “Aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro – WADDANI dhawaan waannu shiraynaa, maxaa yeelay xaaladdu sida ay iminka u socotaa, haddii aananu annagu qaban oo aanan waxan ka hortagin dadkan qeylinaaya, beeshayaday ka soo horjeedaane, haddii aanaan yur odhan sidii raggii kale, dee way na jiidhayaan. Markaa annaga ayaa nalooga joogaa, haddii uu ninkani (Madaxweyne Muuse Biixi) garan waayey inuu dadka mideeyo, waxa nalooga joogaa in aannu dul-qaad keenno oo dadka nidhaahno; ‘Fadhiista maanta cadowgeenu waa mid aad u firfircoone.’ Oo annagu wada shaqeyno, sidii aannu u dhicin Garxajisiya, sdii aannu shirkaasi u dhicin, sidii aannu dagaalkaasi u sii socon, sidii Somaliland loo mideyn lahaa, sidaas ayaa loo jeedayaa. Laakiin, waxa aannu leennahay ninkan Muuse Biixi bal furihiisii keena, annagu furihiisii waannu la’nahaye, furaba ma lahee,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.