Araweelo. News Network

 

Dubai(ANN)-Maamulaha guud ee shirkaddaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Siciid Ducaale ayaa sharraxaad ka bixiyay faa’iidada ganacsatada Soomaalida ugu jirta isbedelo waaweyn oo dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabtu ku samaysay sharciyada dadka dalkaasi maalgashanaya. Isbedelladan ayaa meesha ka saaraya in dadka ajaanibka ah wakiil looga baahdo waxaana la siinaya 10 sanno oo degganaansho ah si Imaaraadku u soo jiito maalgashadeyaasha iyo dadka xirfadda sare leh ee dhaqaalaha dalkaasi saacidaya.

“Dawladda Imaaraadku waxay ku dhawaaqday in dadka ganacsatada ah oo Soomaaliduna ku jirto ama Adduunka oo dhan ay sharciyada u fududaynayaan, iyaga oo markii u horaysay u ogolaanaya in qofku 100% ganacsi ku yeelan karo Imaaraadka, halka markii hore qof dalkan(Imaaraadka) u dhashay wakiil u ahaan jiray oo inta badana ay Soomaalida ku adkayd, waxa maanta dadka Soomaalida iyo ajanabiga kaleba loo ogolaaday in ay ganacsi ka furan karaan dalkan iyada oo aan looga baahnayn cid kafiil ka ah,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo idaacadda BBC-da u warramay.

Maamulaha guud ee Dahabshiil oo fursaddan sii sharraxaya ayaa intaasi raaciyay “Markii hore ganacsigu laba ayuu u kala qaybsana; mid wuxuu ahaa waxan afka qalaad lagu yidhaahdo Free Zone-ka ee sida meelaha la xidhay ee madaarrada oo dadku meelaha goob way ku yeelan karayeen laakiin, imika waxa weeye baayacmushtar walba oo aad waddanka ka furato oo dadka ajaanibka ah yeelanayo badankooda waa loo ogol yahay boqolkiiba boqol marka laga reebo meelaha qaar sida shirkaddaha Saliidda soo saara oo aan filayo in laga reebay laakiin, ganacsiyada kale ee Soomaalidu yeeshan 100% waa loo ogolaaday. Waxa kale oo loo ogolaaday in qofka ajaanibka ahi waddankan guryo ka dhisan karo oo yeelan karo, waxa kale oo ardayda jaamacadaha ka dhigata Imaaraadka loo ogolaaday in ay dalka sii joogaan oo fursado ka abuuraan marka ay jaamacadda dhammeeyaan haddii ay sidaas rabaan,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.

Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu sheegay in go’aannadan cusub ee Imaaraadku muhiimadda siinayaan ganacsatada, islamarkaana wixii ay hanti galinayaan dalkan aan looga baahnayn in qof waddani ahi wakiil ka noqdo. Waxa uu sheegay in sharciyadan cusub looga golleeyahay dhiiri gelinta maalgashadeyaasha caalamiga ah ee danaynaya Imaaraadka in ay ganacsi ku yeeshaan. Waxa uu ogol yahay dadka hadda ku nool iyo kuwa iman doonaba in ay fursad u helaan ganacsi ay ku yeeshaan Imaaraadka iyada oo sidoo kale la dhiiri gelinayo dadka xirfadleyaasha ah sida Dhakhaatiirta, Injineerada iyo wixii la mid ah.

Cabdirashiid Dahabshiil ayaa sheegay in sharciyadan cusub u saamayaxaan Shirkadda Dahabshiil in ay ganacsigeeda Imaaraadka sii balaadhiso “Waxaan u arkaa arrintan in ay baayacmushtarigii ka dhexeeyay dhulka Soomaalida iyo Imaaraadka fududaynayso oo aad ogtahay inta doonyo ama alaab maalin walba laga raro dalkan Imaaraadka ee la geeyo Boosaaso, Muqdisho ama Berbera taas oo muujinaysa sida ganacsiga Soomaalidu ugu xidhan yahay Imaaraadka, arrintana tahay tallaabo labaad oo noo fududaynaysa haddii aanu Dahabshiil nahay maaddaama ay ganacsato badan nala adeegato oo ay adeegayaga isticmaalan, anaga laftayaduna halkan Imaaraadka) aanu maalgashi badan gashanay waxay fududaynaysa in dadku shaqadoodii sii balaadhsadaan, halka Imaaraadkuna dantiisa ka fikirayo oo uu doonayo in dhaqaalihiisu sii kordho, in dadkii aqoonta lahaa waddanka joogaan mid dalka wax ku bartay ama dibada ka imanaya ha noqdee taasna dalka dhaqaalihiisiina way kobcinaysa dalalka kale ee ay la ganacsadaana saamayn ayay ku yeelanaysa,” Sidaas ayuu sheegay

Shirkadaha Dahabshiil kuma caan aha oo keli ah isu-diridda xawaaladaha oo ay magac weyn kaga kasbatay caalamka, ee waxa ay door muuqda oo libaax ku leedahay dhinaca maalgelinta oo Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil fuliyo.

Waxa hubaal ah in Shirkadaha Dahabshiil, oo cafiis weyn iyo laamoba ku leh Imaaraadku oo door muuqda ka qaafan doono fududaynta hawlaha maalgelinred ee ganacsatada Soomaalida.