Araweelo News Network

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland
Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), ayaa ugu baaqay qurbajooga Somaliland in ay muujiyaan Isku duubni kadib doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dhowaan dalka ka dhacday.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Cabdi Cabdullaahi XIrsi (Dayaxweerar) WAR-SAXAAFADEED uu soo saaray, wuxuu ku yidhi, sidan:-

Baaq ku Socda Jaalliyadaha Somaliland ee Wadamada Debadda
Hay’adda Qurbajoogga Somaliland waxay ugu baaqaysaa qurbajoogga xoojinta wadajirkooda doorasho dabadeed:

Waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay doorashadii 5aad ee madaxtinimada November 13, 2017 oo si dimuqraadi ah oo nabadgelyo ah uga wada dhacday dalka guud ahaan laguna doortay Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeen Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ku hambalyaynaysaa qurbajoogga Somaliland ee Jaalliyadaha kala duwan doorkii wadaniyadda iyo firfircoonida lahaa ee ay ka soo qaateen doorashada gaar ahaan kumanaankii mutadawaciinta ahaa ee jeebkooda iyo wakhtigoodaba u huray ololihii iyo hawlihii doorashada ee ay axsaabta qaranka la soo qabteen. Waa mid ka turjumaysa kaalinta mugga iyo miisaanka leh ee qurbajooggu ku leeyihiin taabba-gelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan ee ka hanaqaaday dalka.

Doorashada dabadeed, waxa aannu ugu baaqaynnaa jaalliyadaha Somaliland in la xaqiijiyo midnimo, wadajir iyo iskaashi buuxa oo qurbajooggu ka yeesho ka wada shaqaynta danaha dhexdooda iyo dalkooda, lana dardargeliyo doorka waxtarka leh ee qurbajooggu ka gaysto dalka, si buuxdana loo taageero geedi socodka horumarka qaranka JSL ee hoggaanka cusub shacabku u doortay November 13, 2017.

Doorasho kasta oo dimuqraadi ah oo ka qabsoonta dalka waxay kordhinaysa wacyiga beesha caalamka ee xaqiiqada jiritaanka dalnimo iyo doonista shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxanay taageero u tahay geeddi socodka dadaalka aan ugu jirro ictiraaf iyo aqoonsi buuxa oo qarankani helo. Sidaa darteed, waxa aannu ugu baaqaynnaa qurbajoogga Somaliland inay fursaddan uga faaiidaystaan dadaalkooda ictiraaf raadinta wadamada ay joogaan oo dhan.
Allaa Mahad Leh

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
info@sldiaspora.org www.sldiaspora.org
Hargeisa, Republic of Somaliland
Dec 16, 2017