Araweelo News Network

Wasiir Boos

Hargeysa (ANN)- Maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February, ayaa si ballaadhan looga xusay caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba gobollada kala duwan ee dalka.

Xuska maalinta dhallinyarada oo ay ku lammaan yihiin xuska sannad-guurada 36aad ee ka soo wareegtay maalintii dhagax-tuurka dhallinyaradii UFO ee 20 February 1982-kii, waxa xuska lagu qabtay caasimadda Hargeysa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xuskan oo ay wada-jir u qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalladda SONYO, waxa kaloo ka qaybgalay kooxda Baan-bayda ee Ciidanka Booliska oo ay daba socdeen Wasiirka Ciyaaraha, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ardaydii ka qeybgalay dhagax-tuurkii 1982-kii ee UFO, Masuulyiinta dalladda SONYO, ardayda Jaamacaddaha, dugsiyada Sare ee caasimadda iyo dadweyne aad u tiro badan oo u badan dhallinyaro. Waxaana guud ahaan socod laga soo bilaabay xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyadoo si toos ah lagu abaaray goobta Taalada Dhagax-tuurka UFO ku taalo ee Maxkamadda Gobollka horteeda.

Markii la gaadhay goobtii Dhagax-tuurku uu ka dhacay sannadkii 1982-kii, waxa ka hadlay, kana xogwarramay qiimaha ay maalintani leedahay iyo halgankii qadhaadhaa ee dhallinyaradii UFO kala hor-tageen Taliskii macan-gaga ahaa ee Siyaad Barre ardaydii UFO ee wakhtigaas 36-sanno ka hor ka dhiidhiyey tacadigii iyo cabbudhintii lagu hayey, Guddoomiyaha SONYO, Maayarka Caasimadda, Badhasaabka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waxayna  si wada-jir ah ugu duceeyeen dhammaan ardaydii ku shihiiday dhagax-tuurkaas, iyaga oo sidoo kale xubnaha ka noolna u rajeeyay nolol cisi iyo sharaf leh inay ku noolaadaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qeybgalay Munaasibadda 36-guurada ka soo wareegtay maalinta Dhallinyarada Somaliland oo lagu qabtay hudheelka Ambassador, waxaana sidoo kale iyaguna weheliyay Wasiirrada Ciyaaraha, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada, waxaana Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu si waayo-arragnimo leh ugu hogo-tusaaleeyay muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta dalka iyo qorsheyaasha uu hoggaamiye qaran ahaan u hindisay horumarintooda.

Guddoomiyaha Daladda SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo ka hadlay munaasibaddan, ayaa ka hadlay qiimaha ay dhallinyaradu leeyihiin iyo qiimaha ay maalintani ugu fadhido, waxaanay xuseen doorka muuqata ee talada dalka qeyb muhiim ah uga yihiin dhallinyarada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horeyn ku dheeraaday doorkii lama illaawaanka ahaa ee dhallinyaradii ku bahowday ururkii UFO oo iyagu soo ibo-furay maalintani ku lahaayeen halgankii iyo xornimaddii dalka iyo dadkaba, isaga oo caddeeyay inay maalintani ku suntan tahay dharaar la daadiyay dhiigga da’yar mustaqbal ifaya lahayd, balse naf-hurnimo ku dhiirraday, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

Waxa kaloo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee dhallinyaradii ku bahowday ururkii UFO oo iyagu soo ibo-furay dhagax-tuurkii 20-ka February 1982-kii halgankii iyo xornimadii dalka iyo dadkaba, isaga oo caddeeyey inay maalintani ku suntahay dharaar la daadiyey dhiigga da’yar mustaqbal ifaya lahayd, balse naf-hurnimo ku dhiirraday.

“36-sanno ka hor  maanta oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxa ay u ahayd maalin madow, maalintaas oo ahayd mid xannuun badan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan taangi iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxa ay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunida oo aan hore loo arag ay galeen oo bilaabeen, lamana arag odayaal dhuunta iyo aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka kusii daaya oo hooyadoodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna maanta farxaddan iyo jawigan kumaynaan joogneen,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaannu intaas ku daray; “Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u maro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jirina inta badan dunidu hore uma marteen.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dhallinyarada Somaliland ku dhaqani wajahayaan duruufo adag oo u baahan geesinimo iyo adkaysi dheeraad ah, waxaana uu si xeel-dheerinimo leh u da’yarta ugu sharraxay siyaabaha ay kaga gudbi karaan caqabadaha haysta, waxaannu yidhi; “Dhallinyarada reer Somaliland maanta duruufo adag baa hor yaal oo ay marmarka qaarkood niyad-jabaan oo ay naftaba nacaan oo ay garan waayaan mustaqbalkaba meel ay u socdaan, adduunyadana inta la ogyahay mar walba way jirtaa xaalad adag oo kaa hortimaadaa, qofkana marka dhibaato ka hortimaaddo saddex tallaabo uun baa la gudboon;

  • in aad dhuumato oo aad cararto
  • in aad is dhiibto iyo
  • in aad wajahdo oo aad dhibaatadaas qaabisho, inta badanna waxa guulaysta qofka dhibaatada waajaha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu markii ugu horraysay shaaciyey tallaabooyin lagu horumarinayo dhallinyarada reer Somaliland, isla markaana sed-buuran lagaga siinayo qorsheyaasha xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, kuwaas oo ay ugu horrayso akoon-xisaabeed gaar ah oo lacago loogu shubay, waxaana uu yidhi, “Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhallinyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso, aqoonyahankana waxaan leeyahay waxa aynu aas-aasayno haddii aanay aqooni hoggaamin way inaga hor imanaysaa, markaa sidii guddida loo samayn lahaa waa in laga soo wada qaybgalaa”.

Dhanka kale waxaa xuskan maalinta dhallinyarada Somaliland Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dallada heer qaran ee SONYO ay Aqoon yahanka iyo Ardayda kala duwan u qabteen tababar socon doona muddo laba cisho, kaas oo lagu darsi doono sidii looga gudbi lahaa caqabaddaha iyo duruufaha kala duwan ee ku xeeran guud ahaanba dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kalena lagu soo bandhigay siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.