Araweelo News Network

Washinton(ANN)-Mid ka mid ah kaaliyayaashii hore ee madaxweyne Donald Trump ayaa beenisay in ay isku dayday in ay xoog ku gasho dhismaha Aqalka cad iyo  in shaqada laga eryay.

Omarosa Manigault Newman – oo ah xidig hore oo qaban jirtay barnaamijkii Trump ee telefishinka – ayaa la sheegay in ay aad u cadhootay Arbacadii.

Ciidamada sirta ee ilaaliya madaxweynaha ayaa sheegay “in aany iyaga ka saarin dhismaha”, balse ay furayaasheeda ka dhigeen kuwa aan shaqeyneyn.
Ms Manigault Newman waxay ka mid tahay tirada yar ee dadka caanka ah ee madowga-Mareykanka ah ee taageera madaxweyne Trump.

Warbixin Aqalka Cad ka soo baxday ayaa lagu sheegay in ay iyada iskeed uga tagtay shaqada “si ay fursado kale oo shaqo u raadsato”.
Laakiin sarkaal aan lamagacaabin oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wargeyska The Wall Street u sheegay in lagu qasbanaaday in “kaaliyaha dhulka lagu jiido oo laga saaro dhismaha” ka dib markii shaqada uu ka eryay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly.”

CBS News ayaa ku warrantay in buuq ay abuurtay xilli ay isku deyeysay in ay xoog ku gasho dhismaha si ay uga doodo shaqo kaceydhunteeda waxaana qasab noqotay in xoog looga saaro Aqalka Cad.

 

Wareysi lala yeeshay Khamiistii, Ms Manigault Newman, waxay ku beenisay wararkaasi, waxayna ku tilmaamtay “Kutiri-kiteen”.
Sidoo kale waxay beenisay in shaqada laga caydhiyay, sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC.

 

Haweeneyda, oo caan ku ahayd barnaamij TV oo xaqiiqada ka hadla, ayaa su’aal gelisay dhab ahaanta wararka la xidhiidha in dhulka lagu jiiday, waxayna weydiisatay in sawir cadeyn ah la keeno.
“Aaway sawirrada iyo muuqaallada?” ayey tidhi.

“Haddii aan la dagaallamay John Kelly, oo ah qof adag, waxay dhallin lahayd in qofkasta uu soo eego oo sawirro ama muuqaallo la duubo,” ayey hadalkeeda ku dartay.

Qoraal si deggan loo qoray oo ay soo saartay laanta sirta ee ilaalisa Madaxweynaha Mareykanka, waxaa lagu beeniyay in ay ku lug lahaayeen in Ms Manigault Newman laga “soo saaro dhismaha”.
Laakiin laanta sirta waxay u muuqatay mid xaqiijineyso in haweeneyda laga saaray dhismaha Aqalka Cad, oo furayaasheeda casriga ah laga dhigay kuwa aan shaqeyneyn.

Ms Manigault Newman waxay tilmaamtay in wararka sheegaya in ay damacday in ay gasho dhismaha madaxweynaha, in ay yihiin “kuwo aan macquul ahayn”.

“Waa wax lagu qoslo in qof uu iskudayo in uu carqaladeeyo amniga meesha la og yahay in uu yahay dhismaha ugu amniga adag dunida,” ayey hadalkeeda ku dartay.

Ms Manigault Newman waxay sidoo kale beenisay hadallada sheegaya in doorkeeda shaqo ee ah xidhiidhka Bulshada uu ahaa mid aan si wanaagsan loo sharrixin.

Waxay sheegtay “in ay arrinteedu noqon lahayd sheeko aad u xiisa badan”.

“Waxaan arkay arrimo iga careysiiyay, oo aan ku jahwareeray, oo si qoto dheer iyo dareen ahaan ii saameeyay, oo saameeyay bulshadeyda iyo dadkeyga,” ayey sheegtay.

Waan ogahay in ay tahay sheeko aan caadi ahayn oo dunida ay dooneyso in ay maqasho”.

Markii Trump la weydiiyay shaqa ka tagiddeedii Khamiistii, wuxuu ku jawaabay: “Waan ka helaa Omarosa. waa qof wanaagsan”.
Muddadii ay ka shaqeyneysay Aqalka Cad, waxay dhowr goor qeyb ka ahayd arrimo muran dhaliyay, sida in xaflad aroos ay ku qabatay Aqalka Cad, si ay sawirro lama filaan ah iasaga qaadaan, sida uu qoray wargeysta Politico.