Share this:

" />
Published On: Sun, Jan 7th, 2018

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Natiijada Imtixaan Ay Qaaday

Smiley face

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaan ay Ka qaaday dhalinyaro shaqo-doon ah.

 

Arrintan ayaa daba socotay, iyadoo  muddooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu ku hawlanayd kala saarista tiro dhalinyaro ah oo soo xaraysatay dalabka shaqaale ay hay’adda shaqaalahu u Baahnayd, kuwaas oo kala shaqayn doona tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda.

Kulanka lagu  shaacinayay natiijada, waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka shaqa-gelinta iyo arrrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, masuuliyiinta xafiiska maamul wannaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo guud ahaan saraakiisha kala duwan ee hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa waxa ugu horrayn goobta ka hadlay macalinkii masuulka ka ahaa samaynta iyo sixida imitxaanka Prof Qalinle isaga oo xusay sidii daah-rognaanta lahayd ee ay u sameeyeen isla markaana u saxeen imtixaankii loo igmaday.

Prof Qalinle oo arimahaa ka hadlaya ayaa sidoo kale xusay in ay dhaarsanayeen isla markaana ay soo saareen intii qalinkoodu siiyey in ay noqdaan inta ugu sarraysa imitxaanka.

Sidoo kele waxa madasha ka hadlay sarkaal sare oo ka socday hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Mudane Dayib isaga oo xusay sida Hufan ee imtixanka iyo sixidduba ay u dhaceen waxaanuu bogaadin u jeediyey hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ku tilmaamay in ay hayso jidkii saxda ahaa.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo isna goobta hadallo ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahadceliyey macalimiintii gacanta ku haysay hawshan baaxadda badan isaga oo xusay in ay dhaarsanaayeen isla markaana ay soo sareen wixii Alle ku ogaa.

Guddoomiye Sharmaake ayaa sidoo kale xusay kaydka aqoonyahanka oo ay hirgeliyeen markii ugu horraysay oo kulliyad iyo gobol waliba ay ku jiraan, isaga oo markaana xusay in marba inta loo baahan yahay uun imtixaan laga qaadi doono marka madax taabashadu dhamaato ee si dhab ah loo soo ogaado baahida shaqaale ee dawladdu u baahan tahay, waxaana uu wasiiirka shaqo-gelinta ka codsaday in ay dedaal dheeraad ah geliso sidii ay shaqo abuur ugu samayn lahaayeen uguna bandhigi lahaayeen cid walba oo shaqo bixiye ah.

Ugu dambayntii Wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeedisay hay’adda shaqaalaha dawladda iyada oo ku bogaadisay hannaanka hufan ee ay horseedeen, Wasiirku waxa ay sidoo kale duco iyo ballan-qaad u hibaysay tartamayaashii soo xaraysatay codsiyada.

Wasiir Hinda ayaa sidoo kele xustay in xukuumaddu dadaal dheeraad ah gelin doonto sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa iyada oo sheegtay in ay arrintaasi mudnaanta koobaad u tahay xukuumadda imika talada haysa.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face