Araweelo News Network

Gen. Gebre

 

Addis Abab(ANN)-Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey Gen. Gebreziabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre, kaas oo ahaa sarkaal Milateriga Dalka Ethiopia ah, Isla markaana ahaa saraal Siyaasada iyo Arrimaha Milateriga u qaabilsanaa IGAD.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta shaqada lagaga joojiyey jeneraal Gebre, iyadoo shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Warqaddaas oo sida  BBC-du sheegtay ay soo gaadhsiiyeen xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la xusin.

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa lagaga dalbaday jeneraal Gebre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo ee maanta.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagaga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal Gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan aan loo  adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.
Inkasta oo aanay ku caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, hadana dadka wax indha-indheeya waxay arrinta xilka lagaga qaaday Gen. Gebre la xidhidhiyeen qodobbada soo socda.

1- Jeneral Gebre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu ka waday, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya, wuxuu sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya.
2- Xil ka qaadistiisa waxay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabaylo siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado aanu meesha ka madhnayn.
Jeneraal Gebre wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh ku leh awoodda iyo weliba marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.
Gebre wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida.
Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.
Halkan ka akhriso warqaddii shaqada lagaga eryey jeneraal Gabre oo af Ingiriisi ku qoran.