Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa khudbad Sannadeediisa Dastuuriga ahayd ee 2018, ka jeediyay maanta labada gole ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa khudbadiisa kusoo qaatay arrimo baddan oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka, siyaasada arrimaha Dibadda, Amniga iyo sidoo kale wuxuu ka hadlay Madaxweyne Musue Bixii,  Arrimaha Bulshada, Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta, Garsoorka iyo Cadaaladda, Abaaraha, Isbeddelka Cimillada, Doorashooyinka iyo doorka saxaafada Somaliland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu khudbadiisa oo maanta oo taariikhdu ahayd 25 March 2018, ka jeediyay labada gole, wuxuu ku bilaabay sidan:-

“Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh,Waxa xurmo iyo maamuus  ii ah inaan maanta hor-imaaddo labada Gole-baarlamaan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan ka jeediyo khudbad sannadeedka dastuuriga ah ee 2018.

Mudanayaal, xukuumadeenan aan Madaxweynaha ka ahay, waxay jeexatey qorshayaal cad-cad oo la xidhiidha dhinacyada:

 

  1. Amniga.
  2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
  3. Dhaqaalaha iyo Horumarka.
  4. Kaabayaasha Dhaqaalaha.
  5. Arrimaha Bulshada.
  6. Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta.
  7. Garsoorka iyo Cadaaladda.
  8. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada.
  9. Doorashooyinka
  10. Warbaahinta.

 

In kasta oo ay xukuumaddeenu muddo 100 maalmood oo kaliya xilka Qaranka hayso, hadana Waxaannu is-bedel la taaban karo ka muujiney hagaajinta nidaamka maamul iyo haykalka dawladnimo, iyadoo ay hirgelinteeda saldhig  u ahayd isku duubnida iyo dadaalka qaybaha kala duwan ee waaxyaha xukuumadda oo dhan iyo taageerada shacbiga.

 

Muddadaa kooban, Waxaannu qaadney talaabooyin dhinaca wax-qabadka ah, sida dardar-galinta Heshiiska Dekedda Berbera, oo saamayn weyn ku yeellan doona dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland.

Heshiiskaas oo ay saddex dhinac  kala saxeexdeen. Waxaa dhawaan la bilaabi doonaa  mashaariic waaweyn  oo horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur  u keeni doona dalka.

 

Waxa kale oo mudnaanteeda leh in Ciidanka Qaranku ku durkay dhinaca xuduuda bariga, iyada oo ay shacabka Gobolka Sool  gacan ka siiyeen hawl-galkaas. Taas oo aannu uga mahad naqayno shacabka Gobolka Sool.

 

Xukuumadda Soomaaliya qaylo dheer ayey ku dhufatey, iyada oo beesha Caalamka ku jaah wareerinaysa iney Jamhuuriyadda Somaliland ku soo xad gudubtey. Hase yeeshee dadaal xoogan ayaannu ka galnay inaanu Caalamka tusno xaqiiqada ah in aaney Jamhuuriyadda Somaaliland cidna ku xad gudbin, dalkeediina ku jirto oo ay waliba  60km ay ka sokeyso xadkeedii.

 

Waxa iyana xusiddeeda leh, in dawladaha aynu deriska  nahay  iyo kuwa kale ee aynu saaxiibka nahay kor uqaadeen karaamadii iyo maamuuskii inaga dhaxeeyey. Taasoo ku timi dadaalkii dheeraa ee shacbiga xariirta ah ee Somaliland u galay nabadgalyada, horumarka iyo doorashooyinka xorta ah. Waxa la innagu majeertaa sida nabadgalyada leh ee codka shacbigu u-kala badalo hogaamiyayaasha Jamhuuriyadda Ssomaliland.

 

Xukuumaddani, iyada oo fulinaysa rabitaanka shacbiga, waxay si cad ugaadhsiisey Dawladaha Caalamka in aanay kala masuugin Somaliland aqoonsiga ay mutaysatey.

 

Qorshayaasha Xukuumadda:

 

  1. Amniga

 

Mudanayaal; waxa naga go’an in aanu xooga saarno sugidda amniga soohdimaha (dhul, bad, iyo cir) ee dalka, si  loo adkeeyo jiritaanka Qaranka, xasilloonida iyo deganaanshaha amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Siyaasaddeenu mar walba waxay tahay, dadka ku wada-dhaqan Gobolka Geeska Africa iyo dunida inteeda kaleba inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, dhawrista derisnimada, faro-galin la’aan iyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah.

Haddaba, si aynu u adkayno amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa dhammaanteen waajib innagu wada ah, haddii aynu nahay xukuumad, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, odayaal, aqoonyahan, dhallinyaro, haween iyo shacab weynaba, inaynu si dhab ah uga wada shaqayno nabad ku-wada-noolaanshaha dadkeenna gees illaa ka gees.  Shacbi-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay walaaloobaan, oo gacmaha is-qabsadaan, oo dhexdooda isku kalsoonadaan.

 

Mudanayaal iyo Marwooyinka

 

Somaliland waa mid-qudha, waa shacbi kaliya. Qof, koox iyo qabiilka  waxa ka wayn Qarannimadeena.  Sidaa darteed, waxa innagu waajib ah ineynu Qaranka ka ilaalino wixii dhaawacaya.

 

Si aynu u sugno amniga guddaha, wuxuu ku talo-galkayagu yahay inaanu marka ugu horaysa xoojinno wada-shaqaynta Hayadaha Amniga iyo shacabka, iyadoo ay siyaasaddeenu tahay in aanu shacbiga siino barnaamijyo wacyi-galineed oo ah, inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga. Waxa kale oo uu ku talo-galkayagu yahay xoojinta iyo tayeynta Hay’adaha Amniga.

 

Waxaannu tayeyn, xoojin, iyo casriyeyn  ku samaynaynaa adeegyada qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska, si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta amniga gudaha iyo wax-ka-qabashada dambiyada.

 

Waxa beryahan danbe soo kordhayey kooxo dhallinyaro yaryar ah, oo magaalooyinka dhexdooda ka samaynaya falal-dambiyeedyo wax u dhimaya xasiloonida magaaloyinka. Waxa keentay sabool-nimada iyo shaqo la’aanta.

 

Haddaba si looga faa’ideeyo muruqa iyo maskaxda dhallinyarada, Waxaannu bilowney Qorshaha Shaqo-qaran (National Service). Waxaannu u bilownay dhigaalka miisaaniydii lagu hirgalin lahaa Qorshaha Shaqada Qaranka.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Marka laga hadlayo amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa ugu horreeya in la joojiyo dagaalada iyo iska hor-imaadyada beelaha ee qabyaaladda ku salaysan.

Dagaaladii beeleysnaa ee ugu danbeeyey waxa ku dhintey in ka badan 90 qof, intaa in ka badanina wey ku dhaawacmeen. Qarankeenu kama maarmo dad si dhib yar inooga dhinta, oo waliba ku baxa colaad la baajin karo.

 

Walaalayaal,

 

Bal u fiirasada, maxaynu ka dhaxalnaa dagaalada beelaha? Waa Qax, waa Goblan, waa Asay, waa Agoon iyo Saboolnimo baahsan,  baryo aynu u dirsanno qayrkeen iyo gacmaha oo  hoos dhigano.

 

 

Waxa kale oo khasaare naf iyo maalba leh innagu haya shillalka baabuurta ee soo badanaya. Sannadkii aynu soo dhaafney waxa dalka ka dhacay 2,258 shil baabuur oo ay ku dhinteen 160 qof, kuna dhawacmeen 1,956 qof.

 

Waxa aan hawl-galiyey in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay deg-deg u fuliso qorshaha lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka.

In ruqsada kaxaynta baabuurta la siiyo, kaliya qof bartay sida baabuurta loo kaxeeyo, oo imtixaan adag oo dhab ah ka soo baxay.

Sidoo kale, waxa waajib ah inuu jidadkeena mari-karo kaliya baabuur tayadiisa farsamo la hubiyey in lagu aamini karo naf iyo maal. Xukuumadda waxa ka go’an in la fuliyo Xeerka Wado-marista.

 

Sannadihii ugu danbeeyey, dalka waxa ku soo badanayey kufsiga, oo ah danbi culus oo laga galo hablaha sharafta mudan. Sannadkii 2017-kii oo kaliya waxa dalka ka dhacay 80 Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garata ah. Waxaynu ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u-tirtiri  lahayn.

 

Caalamkan aynu maanta ku nool nahay, dal-walba waxa lagu qadariyaa inta ay le’eg tahay cududiisa milatari. Maanta, in kasta oo qalab iyo saanad culus Ciidankeenu leeyahay, haddana wali halka aynu la higsaneyney maynu gaadhsiin. Hase yeeshee, Ilaahay wuxuu inna siiyey dad naftooda u huraya difaaca Qaranka. Waxaynu leenahay Ciidan Qaran oo bir ah oo jabin kara cadaw kasta oo dalkeena u soo hungurooda.

 

Waa ciidan in ka badan afartan (40) sannadood u soo taagnaa  xoreynta iyo difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay leeyihiin feejignaan, xirfad dagaal,  niyad adag, u-adkaysiga xaaladaha qalafsan iyo go’aan qadasho dhiiran.

 

Walaalayaal, dawlad iyo shacabba waa ineynu wax walba u hurnaa dhismaha iyo daryeelka  Ciidammada Qaranka ee aynu ku seexano.

 

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda

 

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee dalku waxay ku qotontaa afar tiir oo kala ah:

 

  1. In la helo Ictiraaf Caalami ah.
  2. In la sii xoojiyo xidhiidhka aynu la leenahay wadammada deriska ah, Urur Gobolleedka IGAD, Midowga Africa, Wadamada Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, Midowga Yurub, iyo Caalamka oo dhan.
  3. Inay Somaliland hesho taageero dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo (Bi-lateral and multi-lateral support).
  4. Inay Somaliland hesho Maalgashi Caalami ah oo toos ah (Direct, Foreign Investment).

 

Siyaasadeenna Arrimaha Dibedda waxa sal u ah deris-nimo wanaag iyo is-xaq-dhawr, waxaannu mar-walba diyaar u nahay, oo hiil u nahay sugidda ammaanka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba.

 

Shacabka reer Somaliland waayo-arag bay ku yihiin dhibaatada iyo qadhaadhka colaadaha iyo sidoo kale wanaagga iyo qiimaha ay nabaddu leedahay.

 

Muddadii koobneyd ee aan xilka hayey, waxaan safarro shaqo ku tagay dalalka Jabuuti,  Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaannu saddexda dawladood ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee innaga dhexeeya.

 

Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo xidhiidhkeena dhinacyada Amniga,  Ganacsiga iyo  dhaqan-dhaqaale. Waxa kale oo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey  shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii.

 

Dawladda Imaaraadka Carabta waxa kale oo uga mahadnaqaynaa inay ku soo dhiiratey maalgashiga dalkeena. Shirkadda DP World balaadhinta iyo casriyeynta ay ka bilaabayso Dekedda Berbera, waa talaabo horumarineed oo u soo korodhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolkaba.

 

Dawladda Imaaraadka Carabta, Madaxdooda iyo shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab taageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Iyaga oo  warbaahintoodu gaadhsiisey Caalamka  oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda,  dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo.

 

Wada-haddalada Somaliland iyo Soomaaliya

 

Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey iney bilaabmaan 19-kii March, 2018, waanu joojiney, sababta oo ah Xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey Qarannimaddeena.

Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo qaaday, sharciyan Caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud waxa doortay wufuud ka kala socotay afar Maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed. Jamhuuriyadda Somaliland, ilaa 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kuma lahayn, caalamkuna wuu og-yahay.

 

 

  1. Dhaqaalaha iyo Horumarka

 

Marka aynu ka hadlayno wax-qabad iyo horumar, waxa saldhig u ah dhaqaale. Dalna ma dhismi karo dhaqaale la’aan. Sidaa awgeed, waxa naga go’an kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka (Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan).

Xukuumaddeenu waxay ka shaqaynaysaa dhiirigelinta maalgashiga gudaha iyo dibedda. Anagoo u aragna inuu maalgashigu wax weyn ka tari-doono korodhka dakhliga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, Waxaannu abuurnay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.

 

Waxaannu bilaabaynaa nidaamka  cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka mid dad-ban iyo mid toos ahba, annagoo talaabooyinkii u horreeyeyna qaadnay.

Waxaannu xoojineynaa nidaamka dakhli ururinta. waxaannu dagaal adag la-galaynaa musuq-maasuqa noocuu yahayba.

 

Waxaannu diyaariney Miisaaniyadda sannadka 2018, oo ku salaysan Nidaamka  Maamulka Dakhliga Dawladda (Public Financial Management System), waxaanay toddobaadkan soo gaadhaysaa Golaha Wakiillada.

 

Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.

 

Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa’iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi.

 

Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays wayn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragney inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Fulinta go’aammadaasi waxay bilaabmeen 13-kii March, 2018.

 

Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa  ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa  waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan oo electronic ah  u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantey, waxaan go’aaminey inay arrintaasi xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood  si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay.

 

Waxay naga qaateen qodobbo aad ugu adkaa, waxayse ku aqbaleen danta guud ee dalkooda.

 

  1. Kaabayaasha Dhaqaalaha

 

Dekedaha, Waddooyinka, iyo Garoomada diyaaraduhu waxay ahmiyad weyn u leeyihiin horumarka dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada. Sidaa darteed, waxa noo qorshaysan in aanu dhamaystirno jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo hadda toban kiloomitir oo ka mid ah la dhigay daamurkii. Jidkaasi wuxuu qiime weyn ugu fadhiyaa Qaranka.

 

Waxa kale oo muddadii koobneyd ee xukunka dalka aan hayey la-dayactirey 60 kiloomitir oo ka mid ah jidka isku xidha, Halleeya iyo Dacar-budhuq.

 

Waxa kale oo noo qorshaysan in aannu sannadkan gudihiisa bilowno jidka ganacsiga ee isku xidha Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), kaas oo fududayn doona inay Somaliland qayb ka noqoto dhaqaalaha iyo is-dhexgalka bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.

 

  1. Arimaha Bulshada

 

  1. Dhallinyarada.

 

Marka la eego tirada shacab-weynaha reer Somaliland, 70% waa dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 15-35 jir. Sidaa darteed, waxaannu u aqoon-sannahay inay dhallinyaradu yihiin xoogga iyo laxaadka Qarankan, waxayna inaga mudan yihiin in aynu u diyaarinno mustaq-bal iyo nolol lagu soo hirto. Waa in ay helaan tacliin tayo leh oo gaadhsiisan waxbrashada adduunka. Sidoo kale, waa in aynu caqligooda iyo cududdoodaba u carbinnaa, una diyaarinnaa in ay geliyaan hogaaminta iyo horumarka dalkooda, waanna sababta aan xilal ka mid ah kuwa ugu muhiimsan xukuumaddeena ugu xanbaariyey dhallinyaro aqoon leh.

 

Xukuumaddeenu, iyadoo ka duulaysa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka, waxay waddaa dib-u-habayn ku saabsan Xeerka Shaqaalaha (Labor Code). Marka uu qorshahaasi dhammaadana shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo, u ogolaan-mayno qof ajanebi ah.

 

Waxa aan dhowaan aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, kaas oo aannu ku shubnay lacag u dhiganta laba bilyan oo Somaliland Shilling ah. Sanduuqan waxa laga maalgalinayaa dhallinyarada la timaada hal abuur ganacsi oo macquul ah oo keeni kara shaqo-abuur. Wakhtigan xaadirka ahna, waxaannu ku hawlan nahay dhammaystirka nidaamkii lagu maamuli lahaa Sanduuqa, iyo nidaamka looga baahan yahay cid kasta oo soo codsata in laga maalgaliyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Waxaan soo jeedinayaa in Shacab iyo Xukuumadba la isugu tago sidii Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda loo kobcin lahaa.

 

Sidoo kale, waxa aannu bilawnay in Barnaamijka Shaqo Qaran aannu bil-walba Account u dhigno lacag dhan hal billion oo SL.SH, si sannadka dhammaadkiisa loo helo lacag dhan 12 bilyan oo Shilinka Somaliland ah oo lagu bilaabo barnaamijka Shaqo Qaran. Barnaamijkan waxa ka qayb-geli doona ardayda dhammaysata dugsiga sare iyo Jaamacadaha. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee barnaamijkan waxa ka mid ah fududaynta is-dhex-galka dhallinyarada Somaliland iyo in ay ardaydu  helaan khibrad shaqo, iyaguna dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontooda.

 

  1. Waxbarashada.

 

Sida la ogyahay dalalka dunidu waxay ku kala horumaraan sida ay ugu kala horumarsan-yihiin dhinaca tacliinta. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in ay waxbarashadeenu la jaan-qaado horumarka iyo xawliga ay ku socoto tacliinta casriga ah ee dunidu.

Waxa xukuumaddeena u qorshaysan tayeynta iyo dib-u-habaynta manhajka waxbarashada dalka iyo in la helo Siyaasad Waxbarasho oo ku salaysan baahida dalka.

 

Si loo beegsado himillada ah, helista waxbarasho loo siman yahay iyo tacliin casri ah, waxa aannu bilownay in arday kasta oo dhigta dugsiyadda hoose/dhexe helo buugaagta manhajka waxbarashada dalka oo bilaash ah. Taas oo ku kacaysa 1.2 bilyan SL.SH, sannadkii.

 

Waxa kale oo xukuumad ahaan noo qorshaysan:

  • In kor loo qaado daryeelka macallinka ee dhinaca nolosha iyo tayada aqoontiisa.

 

  • In aannu ahmiyad weyn siino waxbarashada Farsamada Gacanta, si da’yartu u helaan xirfado ay ku shaqaystaan. Sidaa darteed, waxaannu dib-u-dhis iyo dib-u-habayn ku samayn doonaa dugsiyadii farsamada gacanta Burco iyo Hargeysa. Waxa kale oo aanu hiigsanaynaa in gobol kasta laga sameeyo dugsi farsamo gacan oo bixiya waxbarasho tayo leh.

 

  • Waxaannu dhiirigelinaynaa wax-akhriska ardayda reer Somaliland, Waxaannuna hirgelinaynaa maktabado wax-akhris (Public Libraries).

 

  • Waxa kale, oo dib u habayn iyo tayayn ku samayn doonnaa waxbarashada Jaamacadaha dalka, si ay ula tartamaan dhigooda adduunka.

 

  1. Caafimaadka.

 

ü Innaga oo og muhiimadda uu adeegga caafimaadku u leeyahay bulsho-kasta;

 

ü Innaga oo og in waxa ugu qaalisan, uguna mudan in la daryeelaa ay tahay nafta bini’aadanka;

 

ü Inaga oo og duruufaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka;

 

Xukuumaddeena aan hogaaminayo waxa ka go’an xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo caqabadaha horyaal nidaamka iyo adeegyada caafimaad ee dalka.

 

Himilladeenuna waxa weeye in ay muwaadiniinta Reer Somaliland helaan adeeg caafimaad oo hufan, ilaa laga gaadho in dhimashada hooyada iyo dhallaanka 50% hoos loo dhigi karo, haddii Eebe idmo.

 

Si loo xaqiijiyo himilladaa;

 

  • Waxaannu kordhin doonaa tirada dhakhaatiirta ee ka hawl-gala guud ahaan dalka, sababta oo ah, marka la eego saamiga dhakhaatiirta iyo dadka bukaanka ah (Patience-doctor ratio), halka dhakhtar ee ka hawl-gala hal goob caafimaad waxa ku soo beegmaya 13,500 oo bukaan ah.

 

  • Waxa xoog la saari doona hubinta takhasuska iyo aqoonta dhakhaatiirta ka hawl-galka dalka Somaliland.

 

  • Waxaannu adkayn doonaa ruqsadda furashada goob caafimaad, si aanay nafta qofka iyo caafimaadka muwaadiniintu u gelin ganacsi.

 

  • Waxaannu dardar gelin doonaa awoodda iyo hufnaanta adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan cusbataallada dalku.

 

  • Waxaannu dib-u-habayn iyo tayeyn ku samayn doonnaa Hayadda Ilaalinta Tayada (Quality Control Agency). Si loo hubin karo faya-dhawrka iyo tayada dawooyinka, cuntada iyo dhammaan wixii kiimiko ah ee dalka la keenayo.

 

  1. Biyaha.

Sida la wada og yahay, biyuhu waa hal bowlaha nolosha bini aadamka, meelo badan oo dalka ka mid ahna waxa ka jira baahi biyood oo kala duwan. Cimillada is-badashay waxay keentey roob yaraan. Mar haddii roobkii yaraadayna  waxa yimi abaaro is-daba-jooga. Abaarta iyo haraadkuna way isku sidkan yihin. Waxa kala weynaaday haraadka jira iyo awooddeena dhaqaale ee biyo joojinta iyo biyo qodidda. Waa hubaal dalka intiisa badan in ay ka jirto biyo la’aan xooggan. Caasimadda dalku waxay  u baahan tahay maalintii lixdan  kun oo mitirik  tan oo biyo ah. Waxay hadda heshaa sagaal kun oo mitirik tan, oo ku soo baxa si dhib iyo kharash badan.

 

Hay’ado kala duwan oo madax-bannaan ayaa si habaq la’ah uga fuliya mashaariic biyo kaydin ah ama biyo qodis ah. Hase yeeshee, intooda badani ma yeeshaan raandhiis. Sababtoo ah malaha qorshe sugan, gacan ku hayn joogto ah iyo kormeer. Waayo-aragnimaddu waxa ay inna faraysaa, si aan u xallino arrintan aan kor ku xusay, waa in aan hirgalinno Xeerarka iyo Shuruucda Biyaha Dalka.

 

Toddobadii sanno ee u danbeeyey dalka xukuumaddii Kulmiye waxay ka qodey 200 oo ceel oo dhaadheer, wali se waxa muuqata in haraadkii sii kordhaayo gobalada oo dhan. Khubarada biyuhu waxay ku taliyeen in ceelasha dhaadheer ka faa’iido badan yihiin biyo xidheennada.

 

Iyada oo taa laga duulayo, waxaynu ka  bilawnay sahamin biyo xidheenno goobolada oo dhan. Waa arrin u baahan dhaqaale xoog leh, aqoon iyo tiknoolaji casri ah. Xukuumad iyo Shacbi, waxa innala gudboon in aan awooddeena isugu gayno biyo xidheenno waaweyn, gobollada oo dhan shanta sanno ee soo socda.

 

  1. Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta

Waxaynu dhisanay Gole Xukuumadeed oo kooban, oo ay ku jiraan Wasaaraddo cusub, kuwaas oo wax-weyn ka tari doona horumarka dalka iyo u adeegista bulshada.

 

Xukuumaddani waa mid ku shaqaynaysa maamul daah-furan, oo ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland la xisaabtami karaan. Waxa kale, oo Xukuumaddani ku dadaalaysaa dhismaha awoodda Hay’adaha Dawladda iyo ku dhaqanka maamul-wanaagga (Good Governance).

 

Sida la wada og-yahay musuq-maasaqu waa aafo Qaran, waxaana dhibaatooyinkiisa ka mid ah:

  • Wuxuu curyaamiyaa maamul-wanaagga.

 

  • Wuxuu wiiqaa kalsoonida uu shacabku ku qabo hayadaha dawladda.

 

  • Wuxuu lumiyaa adeegyada bulshada loo qabanayo.
  • Wuxuu adhax-da ka jebiyaa horumarka.

 

Sidaa darteed, waxaan halkan uga cadaynayaa shacab-weynaha Reer Somaliland in aanay xukuumaddani, haba yaraatee wax dul-qaad ah u yeelanayn Musuq-maasuqa iyo ku-tagri-falka hantida ummadda. Mana aqballi doono in macaash badan lagu helo xilalka Qaranka iyo in si khaldan loogu tagri-fallo awoodda shacabku noo igmaday.

 

Waxa noo qorshaysan barnaamijyo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxaannuna beesha caalamka ka codsanaynaa in ay gacan nagan siiyaan wixii aqoon iyo farsamo ah ee lagula dagaalamayo Aafaddaa Qaran.

 

Waxa noo qorshaysan in aanu xoojinno maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo kor loo qaadayo awooddooda dhinaca hawl-gelinta iyo adeegyada ay bixiyaan.

  1. Garsoorka iyo Cadaaladda

 

Waaxda Garsoorku waa waax muhiim ah oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee uu ku salaysan yahay qaab-dhismeedka dawladda Somaliland ee kala ah: Xeer-dejinta, Garsoorka iyo Fullinta (Xukuumadda).  Cadaaladdu waa nidaamka sida xabagta isugu haya xidhiidhka iyo wada-noolaanshaha ummadda .  Waa nidaamka ilaaliya xasiloonida iyo deganaanshaha bulshada. Waxayna xaqiiqdu tahay  hadii ay garsoorka iyo cadaaladdu inaga xumaaddaan inaanu qarankani cago-adag ku taagnaan karin.

 

Sidaa awgeed hadii aan ahay  odayga saddexda dhadhaar ee dawladda, waxa aniga iyo xukuumaddeenaba noo qorshaysan in la hagaajiyo, lana xoojiyo  Nidaamka Garsoorka iyo Cadaaladda, waxaana jira hawlo hadda socda oo ku saabsan dib-u-habaynta iyo tayeynata nidaamka garsoorka.

 

Waxay xukuumadeenu ilaalin doontaa xuquuqda guud ahaan Muwaadiniinta Reer Somaliland, iyadoo si gaar ah loo sii ilaalin doono qaybaha bulshada ee nugul, sida (Haweenka, naafada, caruurta iyo dadka tamarta darran).  Waxaannu xoogga saari doonaa qabyo-tirka wixii shuruuc ah ee la xidhiidha Garsoorka iyo guud ahaan xeerarka qabyada ah ee dalku baahida u qabo. Waxa xilligan horyaal golayaasha xeer-dejinta ilaa 15 xeer. Waxaannu ku adkaynaynaa Golayaasha in ay si dhakhso ah u ansixiyaan xeerarka horyaal iyo kuwo kale ee aanu dhawaan idin horkeeni doono, idinka oo hubinaya in Xeerarkaasi waafaqsan yihiin Dastuurka Qaranka.

 

  1. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada

 

Abaaruhu maaha wax inagu cusub ee weligood-ba way dhici jireen, waxayse dhici jireen xilliyo kala fog-fog oo 10-kii sannadood ilaa 20-kii sannadood-ba hal mar ah. Abaartaasna waxa loo bixin jirey magac caan ah oo laga yaqaan min daraf ilaa daraf dhulka Soomalidu degto. Waxa kale di’i jiray roobab badan oo abaarta lagaga soo kabto. Hase yeeshee, muddooyinkan dambe abaaruhu si dhakhso ah ayey u soo noq-noqdaan, roobabkiina way yaraadeen.

 

Waqtigan xaadirka ah waxa dhafoorka ummadda Reer Somaliland ka muuqda diiftii iyo saamayntii nololeed ee ay reebeen abaarihii isdaba-joogga ahaa ee inna soo maray xiliyadii u dambeeyey, kuwaas oo ay ilaa hadda qaylo-dhaantoodu taagan tahay.

Marka hore, xukuumaddeenu waxba kala hadhi-mayso wixii itaalkeeda ah sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka iyo duruufaha adag ee ay reebeen abaarihii dalka ka dhacay. Waxaan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay noqdaan dad isu gargaara oo wada noolaada oo uu qof-ba qof kale caawiyo.

 

Abaaraha soo noq-noqonaya iyo roobabka yaraaday waxay sababeen xaaluf, waxayna xidhiidh la leeyihiin isbedelka cimillada. Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah in aynu wax ka bedelno qaab nololeedka reer-guuraanimo ee bulshadeenna iyo in aynu samaysanno qorshayalaal aynu kaga diyaar-garoobayno abaaraha soo noq-noqonaya. Waxa kale oo aynu ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka, dhirta iyo duur-joogta. Innaga oo hirgalinayna Xeerarka iyo Siyaasadaha Qaranka ee Deegaanka.

 

Xukuumaddeenu waxay waddaa qorshayaal loogu diyaar-garaabayo wax ka qabashada  dhibaatooyinka abaaraha, waxaanna Beesha Caalamka halkan ugaga baaqayaa inay gacan mug leh ka geytaan wax ka qabashada iyo u diyaar-garawga abaaraha soo noq-noqonaya, innagoo illaahay ka baryeyna inuu dhibaatada inaga saaro, naxariistiisana inoo shubo.

 

  1. Doorashooyinka

 

Nidaamka siyaasadeed ee hanaanka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda aynu dalka ka hirgelinay, waxay suurtagal ka dhigeen inay inoo qabsoomaan doorashooyin is-daba joog ah. Kuwaas oo dhammaantood ku qabsoomay si nabad-gelyo ah.   Doorashooyinkaas oo ay ugu dambaysay tii madaxtooyada ee dabayaaqadii sannadkii hore hirgashay. Doorashadaasi waxay wax-weyn ka bedeshay, korna u qaaday sumcadda siyaasiga ah ee aynu dunida ku leenahay iyo aragtida Beesha Caalamku ka qabto dalkeena.

 

Doorashooyinka dalkeenna ka dhacaa waxay ku kacaan kharash iyo culays dhaqaale oo xoog badan. Tusaale ahaan, doorashadii madaxtooyada ee u dambaysay iyo diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha, waxa ku baxay tacab iyo dhaqaale gaadhaya ilaa 24 Bilyan oo SL.SH (24 Million USD). 54% lacagtaas ka mid ah, waxa bixisay Jamhuuriyadda Somaliland, halka ay beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka iyo dimoqraadiyaddu ka bixiyeen 46%.

 

 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ii soo gud-biyeen qorshaha hawl-galka iyo kharashka ku baxaya doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo isku sidkan iyo dib u furista diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, kaas oo dhan 16.7 Bilyan SL. SH (16.7 Million USD).

 

Haddaba, xukuumad ahaan waxa naga go’an in ay doorashooyinkaa isku sidkani ku qabsoomaan muddadii hore loogu qorsheeyey. Labadaa doorasho waxa muddeeyey idinka oo ah Baarlaamka Dalka, waxaana ansixiyey Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii.

 

KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.

 

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka.

 

  1. Warbaahinta

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Warbaahintu waa seef laba af-leh. Waxa wanaagsan in xaga khayrka iyo wax-tarka dalka loo adeegsado.  Waxaannu Xukuumad ahaan diyaar u nahay horumarinta iyo tayeynta Warbaahinta dalka. Waxa noo qorshaysan kor u qaadista waxbarashada iyo aqoonta suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dalka.

 

Warbaahintu haddii loo adeegsado dhinaca bur-burinta iyo sharka, waxa ay abuurtaa aafooyin Qaran. Haddii dhinaca wanaagsan loo adeegsadana, waxa ay dhistaa Qaranka. Xoriyadda Saxaafaddu waxa ay sugan tahay, inta aanay ku gafin xoriyadda muwaadin kale. Waxaan ku boorinayaa bahda Warbaahinta in ay dalkooda u horseedaan nabadda, aqoonta, isku-xidhka bulshada iyo horumarinta dalka.

 

Gebagebo

 

Mudanayaasha Labada Gole iyo Guud ahaan Ummadda Reer Somaliland, waxaan halkan ugu sheegayaa, xukuumadda cusub ee aan Madaxweynaha ka ahay, waxay la kowsatay duruufo ad-adag oo ay ka mid yihiin abaaro iyo kuwo dhaqaale.

 

Waxa xukuumaddeenna ka go’an  in aanu ka midho-dhallinno qorshayaasha innoo degsan iyo in aannu dedaal-weyn gelinno wax ka qabashada duruufaha inna horyaal,  taasina waxay u baahan tahay in loo huro tacab iyo wakhti.  Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay u dhabar-adayga duruufaha idin haysta waa laga bixi doonaa Insha Allaah.