Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Kulan Balaadhan ooh hor-dhac u ahaa dib u eegista xeerka saxaafada Somaliland ee XEER NO 27/2004 , ayaa maanta lagu qabtayHuteelka Maansoor ee Magalada Hargeysa.

Kulankaa, waxa ka qayb galay Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta C.raxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri-barwaaqo), Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cali Maxamed Cali, Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) garyaqaano, qaar ka mid ah suxufiyiinta Iyo xubno ka socday Hay’addaha daneeya Xoriyada saxaaafada.

Agaasimaha fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi oo  ugu horayn ka hadlay  furitaankii, ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray in la helo xeer dhamaystiran taasi oo ay wali socoto hayaanka loogu jiro sidii mar uun loo heli lahaa xeer laysla wada waafaqsan yahay oo lagu dhaqmo si ay meesha uga baxdo xadgudubyada lagula kaco amaba ay gaystaan saxaafada Somaliland.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) oo ku dheeraaday in ay muhiim tahay helitaanka iyo hirgalinta Xeerka saxaafada Somaliland ee XEER 27/2004,waxaanu tilmaamay in ay mudo sadex sano ah soo wadeen in wax ka badal lagu sameeyo xeerkaasi oo ahaa mid aan dhaqan galin waxa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Xukuumada cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay si buuxda uga shaqayso helitaanka Xeer lagu maamulo layskulana xisaabtamo.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cali Maxamed Cali(Cali-caliyow) oo isna madasha furitaanka dib u eegista xeerka saxaafada Somaliland ka hadlay ayaa si weyn u amaanay dhamaan cid kasta oo gacan ka gaysatay in la horumariyo si uu taabo gal u noqdo xeerka saxaafada Somaliland, waxaanu sheegay in ay muhiim u tahay in aan laga eegin dhinac gaar ah si loo xaqiijiyo mabaadiida guud ee saxaafada waa in aad looga wada xaajoodo ayuu tilmaamay Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta kaasi oo tilmaamay in ay meesha ka bixi doonto dadka saxaafada sida qaldan u fahmay oo uu tilmaamay in uu xeerkaasi dabar u noqon doono.

Gebo-gebadii waxa hlkaasi ka hadlay furayna dib u eegista xeerka saxaafada Somaliland Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta C.raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxa uu tilmaamay in ay ka xukuumad ahaan si balaadhan u soo dhawaynayaan helitaanka xeer lagu dhaqo saxaafada waxaanu taabtay in ay qayb ka noqonayso in la helo isla-xisaabtan buuxa oo dhab ah waxa kale oo uu tilmaamay in xeerkaasi laga faa’idaysan doono sidii saxafiyiinta loogu samayn lahaa tababaro buuxinaya shuruudaha saxafi nimo oo meesha ka saaraysa in aan saxaafadu noqon meel layska galo, geesta kale waxa uu xusay in uu iman doono isla-xisaabtan dhanka tafatirayaasha warbaahinta ah oo ay muhiim tahay in la fahmo masuuliyada wax labaahinayo oo qaybta u weyn ay ka qaataan tafatirayaashu, gebo-gebadii wax uu si rasmi ah u furay kulankaasi dib u eegista lagu samaynayo xeerka saxaafada Somaliland ee XEER27/2004.