Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Isbadal doonka Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa boqolaal kun oo taageerayaashiisa ah oo ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay shalay isku soo bixii ugu dambeeyey ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad qiimo leh u jeediyey shacabka Somaliland gaar ahaana reer Hargeysa ayaa sheegay in go’aanka gooni isku-taaga Somaliland uu yahay go’aan shacbi oon Kulmiyena bedeli karin Waddanina aanu bedeli karin.

Dr Ciro Musharaxa Shacabka Somaliland waxa uu intaa ku daray in aan Xamar lagu tartamayn ee Somaliland lagu tartamayo, waxaanu ugu baaqay Musharaxa Kulmiye inuu shacabka usoo bandhigo waxa uu ka iibinayo hadiiba ay jiraan.

Musharaxa xisbiga Waddani waxa uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Walaalayaal, maanta Somaliland waxa haysta saddex duruufood ama mushkiladood oo ah mid Siyaasiya, mid Dhaqaale iyo mid Dabiici ah, meelkastoo aan maray iyo mid kastoo aan la kulmay dhibatadoodu intaasay ku koobnayd.

Walaalayaal, Xisbiga Kulmiye fursad ayaynu siinay, mushkiladahaa aan sheegayo ma waxbuu ka qabtay, wuu uga daray, xisbiga Kulmiye waa ka dare.

New Kulmiye waxay leeyihiin waddanku wuxuu u baahan yahay xukuumad adag oo dhibaatooyinka ka jira ka saarta ayuu u baahan yahay laakiin waxaanu fahamsannayn in iyagu mushkilada abuureen.

Walaalayaal xisbiga Waddani wuxuu xall dhab ah u doonayaa, Musuqmaasuqa, Boobka hantida ummadda, Qabyaalada, Qaraabo-kiilka, Qiimo Beelka Lacagta, Meceeshada sii adkaanaysa, Shaqo la’aanta dhalinyarada, Abaaraha soo badanaya ee aan qorshe loo samayn iyo jihaynta qadiyada Somaliland ee ambatay. Walaalayaal si shaqadaas adag ee faraha badan loo galo waxa lagama maarmaan ah inaad codkiina siisaan xisbiga Waddani.

Dawladdnimada waxaynu u samaysanay inaynu ku abuurno nolol, horumar wadareed, sicir bararkuna wuxuu cadow u yahay nolosha dadka gaar ahaan danyarta iyo hiigsiga dadka, waa aafo qaran oo aan sinaba Waddani ugu dul qaadan doonin hadii Alle yidhaa.

Xisbiga Waddani marka uu qabto Talada Xukuumada wuxuu samayn doonaa hay’add la socota korodhka qiimaha maceeshada, waa hay’add dawladeed oo bil kasta cabir rasmi ah ka samayn doonta, qaaliyowga guud ahaan badeecadaha iyo nolosha, waxa qaranka ay siin doontaa xog rasmi ah oo bille ah, saddex bille ah iyo sanadle ah.

Dawladdu ma ogolaan doonto qaaliyowga in ka badan 2% (boqolkiiba laba), waxaanu dhimi doonaa cashuuraha laga qaado cuntooyinka iyo agabka aasaasiga ah, waxaanu kordhin doonaa cashuuraha laga qaado agabka aan aasaasiga ahayn ee Sigaarku ka mid yahay ee Qaadku ka midka yahay iyo waxyaabaha halista galiya caafimaadka dadka.

Walaalayaal, New Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo todobaadadan buuq iyo sawaxan samaynayey, waxay awoodi waayeen inay soo bandhigaan xal macquul ah oo ku saabsan duruufaha dalka ka taagan iyo Barnaamijkooda lagu dooranayo, taa badalkeeda waxay wakhti badan ku bixiyeen been abuur ku saabsan xisbiga Waddani, shacbigu-se wuu ka qaadan waayey, Soomaaliya ayaa la idiin wadaa, Waddani lacag malaayiin dollar ah iyo jeegag ayaa la siiyey, Waddani ayaa UN-ta waraaqo u qoray iyo waxyaabo kale oo ciidaa ka badan oo been abuur ah.

Kulmiyaha cusub malaha waxay moogan yihiin oo ay ka dhoohan yihiin in go’aanka gooni isku-taaga Somaliland uu yahay go’aan shacbi oo aan Kulmiye-na Bedeli karin Waddani-na aanu bedeli karin, qofna bedeli karin kooxna bedeli karin.

Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo, Somaliland ayaa lagu tartamayaa, waxaad ka iibinaysaan shacbiga usoo bandhiga, waxaan leeyahay arimahaasi waa garaadkooda, waa garaadka Muuse.

Walaalayaal aniga iyo xisbiga Waddani midna ma aaminsana in reer ama koox Somaliland ahi u shaqayso Soomaaliya waase Muuse iyo garaadkii. Xisbiga Waddani wuxuu aaminsan yahay in shacbiga Somaliland ay yihiin dad walaalo ah oo leh xuquuq siman, ma jiri karto beelbaa beel loo baryey, miyey dhici kartaa ama qofbaa qof loo beryey, waxaynu doonaynaa in la abuuro shacbi siman oo u siman dhamaan awoodaha dalka, xilalka dalka iyo khayraadka dalka.” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).