Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Labada Guddoomiye Baarlamaan ee golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan iyo golaha wakiilada Somaliland  Baashe Maxamed Faarax, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland  Sharmarke Axmed Muxumed Geelle.

kulankaa oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Somaliland, wuxuu Guddoomiye sharmaarke warbixin ka siiyey labada Guddoomiye Hawlaha Culus ee shaqo ee hay’addiisu wakhtigan qaranka u hayso oo ay ugu wayn tahay hawlgalka diwaangelinta madax taabashadda iyo tirinta shaqaalaha dawladda lagu sugaayo tiraddooda iyo tayadooda.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa kulanka uu maanta Xarunta Baarlamaanka kula qaatay labada Guddoomiyeyaal ee golaha Guurtidda  Saleebaan Maxamuud Aadan iyo golaha wakiilada Somaliland md Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay inay sido kale isla falanqeeyeen qaabka loo diwaangelinaayo shaqaalaha ka hawlgala xarunta labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Waxaana qoraal kooban oo uu tafaasiil kaga bixiyey kulankani gaarka u ahaa isaga iyo labada guddoomiye ee Baarlamaanka Somalialnd uu Sharmaarke Geelle ku yidhi “Maanta waxa aanu kulan wada qaadanay guddoomiyeyaasha Gollaha Guurtida iyo Wakiilada; Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax. Halkaas oo aanu ka wada hadalnay himilada iyo yoolka hay’adda shaqaalaha dawladdu ka leedahay diiwaangelinta shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxa aannu is la eegnay, hannaanka loo marayo diiwaangelinta shaqaalaha labada golle, ugu dambeyn (u jeedkuna waa) Shaqaale tirsan iyo adeeg tayo leh, waa halbeegga hay’adda shaqaalaha dawladda”