Araweelo News Network

Garoowe(ANN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, ayaa sheegay in ay  ka codsadeen dawladda Imaaratka Carabta in aanay ka bixin gobolka Puntland oo ay sii wadaan taagerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boosaaso, wuxuuna dhawaaqa hadalkiisu soo baxay  xilli dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay sheegtay inay joojinayso iskaashiga milateri ee ay la leedahay Soomaaliya oo maamul gobleedka Puntland ka mid yahay.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego in aan ka codsanay dowladda Imaaraatka in ciidankaasi ay tabbabarka sii wadaan oo ay joogaan, oo ay sii wadaan hoowshii iyo tageeradii ay ciidanka siin jireen,waxaanu codsanaynaa inay sii labalaabaan”, ayuu yidhi Gaas.

 

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa Axaddii sheegay inuu joojiyay tababaradii uu siin jiray ciidammada Soomaaliya taasoo  ajwaab u ahayd dhacadadii dhawaan ay dowladda Soomaaliya ku qabatay diyaarad siday malaayiin doolar oo ka degtay Garoonka Muqdisho, Isla markaana muran ka dhalisay xidhiidhka dawladda Soomaaliya  Iyo dawladda Imaaraadka.