Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo uu weheliyo Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore, ayaa kormeeray mashruuca Biyo Balaadhinta ee Caasimada Hargeysa,.

Mr. Daarood oo ay weheliyaan Wasiirka Biyaha Iyo masuuliyiin kale oo kormeer ku soo mareen goobaha ay ka socdaan mashaariicda biyo-ballaadhinta ee koonfurta iyo woqooyiga caasimadda Hargeysa, waxay ka war bixiyeen hawsha biyo-balaadhinta oo sida ay sheegeen inay meel aad u wanaagsan maray. Iyagoo xusay in la dhammaystiray qayb ka mid ah mashruucaa.

“Waa mid ka mid ah mashaariicda biyaha ugu muhiimsan ee innooga socda caasimadda Hargeysa oo ay maalgelisay CocaCola African Foundation, waxana gacanta innoogu haysa (TS) oo ah shirkad Talyaani ah.

Mashruucan qorshihiisu waxa weeye inuu dhiso afar berkadood iyo beebabkoodii oo ilaa laba iyo lixdan (62km) oo afarta berkadood ee la dhisayey saddex ka mid ahi waxay innooga dhisan yihiin xaafadaha Maxamuud-haybe iyo Axmed-dhagax oo kala ah; Ina Naxar, Masallaha iyo Siinga-siingaha, saddexdaas barkadood gebogebo ayey ku dhaw yihiin, waa dhammaan sidaynu wada aragnay oo bishan afaraad ee sannadkanna inay dhammaadaan ayeynu ku rajo weyn nahay, halka ta kale ee ku taalla Maansoor area ama Gantaaluhu ay muddo yar oo ilaa 15 casho ama bil ah ka dambayn doonto,” ayuu yidhi Maareeyaha oo ka warbixinayey mashaariicda biyo-ballaadhinta ee ka socda gudaha magaalada.

Intaa kadib, weftigu kuma halkan, waxay mar kale u sii jihaysteen jihadda waqooyiga uga baxda magaalada, iyaga oo sii maraya deegaamada kala duwan ee beebka biyo-ballaadhinta caasimaddu soo marayo, waxayna inta badan kula indhohooda kusoo  arkeen shaqooyin si xawli ah halkaa uga socanayey.

Weftigu markii uu marayey meel masaafo ahaan u jirta Hargeysa in ka yar 1km uu mashruucu marayo waxay warbixin Ka dhegeysteen Madaxa horjoogga mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa Mr. Maxamed Faarax, isaga oo hadalkiisa ku bilaabay; “Dadkeena waxa aannu u sheegaynaa mashruucani in aannu ahayd mid la odhan karo wuu iska baaba’ay oo uu yahay mashruuc weyn.”

Madaxa shirkadda Awash Welday Mr. Worku ee dhigista beebka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa hadalkiisa bilaabay; “Waxaan u mahad-celinayaa xukuumadda iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaanna shacbiga inta u dhaxaysa deegaannada Geed-deeble iyo 150-ka ee magaalada Hargeysa, sida ay nooga caawiyeen inuu noo hirgalo dhigidda beebabka. Sidoo kalena, waxa aannu u mahad-celinaynaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Daarood oo dhankisa nooga caawiyey hirgelinta mashruuca.

Waxaannu xilligan beebka dhignay in ku siman 23km, waxa kaliya noo hadhsan 860mitir, sida aannu hadda u wadno qaab-dhismeedkayaga, waxannu naga soo dhammaan doonaa laba ama saddex bilood gudahood dhigidda beebabku,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Maareeye Maxamed Cali Daarood oo halkaa isaguna ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay; “Xarunta biyo-soo-saarka ah ee lagu keenayey Keydka Biyaha Hargeysa ee Jayniisku uu dhisay waa 23km guud ahaan beebku, 23-kii waxa ka hadhsan wax ku dhaw 900mitir, structure-kan aynu joognaa waa chamber oo runtii ahayd hawsha ugu adag 27 xabbo ayey ahaayeen oo 24 chamber ayaa dhammaaday, waxa gacanta lagu sii hayaana waxa weeye waxan maanta bilaabmay waxa weeye 3 xabbo oo weliba chambers-ka noocoodii ugu yar-yaraa ah iyo dhaw xabbo oo dabboolku u dhiman yahay.”

Ugu dembeyn, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore oo dhankiisa shacbiga u kala iftiimiyey dhawaaqii hore ee si qaldan loo turjumay, isaguna tilmaamay in mashruuca fashilmay aannu ahayn mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa, balse uu yahay mashruucii biyaha ee Xubno-weyne oo uu mar kale ku celinayo inuu yahay mid aan shaqeynayn.

“Aad baannu ugu faraxsannahay shaqooyinka ay qabteen dhammaantood, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo isaguna runtii dardar cusub ku soo kordhiyey muddadii uu xilka hayey oo aan filayo in aanay badnayn oo sannad ka yar tahay iyo dhammaan xukuummadda iyo Madaxweynaha oo u heellan ah inay magaalada caasimadda ahi biyo hesho,” waxannu intaa ku daray; “Waxaan idiin sheegayaa, bal aan kala yara caddeeyo mashruucan Geed-deeble iyo Horo-haadlay ka socda waa mashruuc availably ah oo shaqeynaya oo shaqooyinkii loogu talogalay si macna leh ay shaqaddiisii u wada socoto, waanna mashruuc hadda biyaha wax weyn ka qabanaya Somaliland ee Hargeysa, waqtiga aannu is leennahay wuu soo gaadhayaana, waa waqti aad u dhaw, hadda taangiyadii loogu talogalayna waa kuwa hadda dhammaanaya. Arrinta Xunbo-weynana waa taan hore uga hadlay oo halkeedii bay taagan tahay, aqoon ahaan iyo waxtar ahaanna iyo haddii barnaamij dembe la rabo in laga qabtana cid nagala shaqeynaysana diyaar baannu u nahay,” ayuu yidhi.