Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka ay xukuumadda Somalialnd qaadacday ee lagu soo gebagebeeyay Magaalada Brussales ee cariga Dalka Beljamka oo ay ka qaybgaleen guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Iyo Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sheegay in ay layaab ku noqotay in Shirkaa oo mawqif adag iska taagtay xukuumadda Somaliland  ay layaab ku noqotay in siyaasiyiinta Somalialnd ka qaybgalaan, kuwaas oo uu sheegay in aanay Xukuumadiisu waxba kala socon.

Madaxweyne Muuse, wuxuu sidoo kale ka hadlay shirka nabadanaynta Ceel-Afweyn Iyo Arrimaha doorashada golaha Wakiiladda, wuxuuna arrimahaa Iyo kuwo kale kaga hadlay mar uu maanta ka qaybgalay munaasibad lagu qabtay Xarunta Maxkamadda Sare ee Somalialnd.

Halkan ka Daawo Madaxweyne Muuse Biixi oo arrimahaa ka hadlaya.