Share this:

" />
Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi

Smiley face

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aas qaran loo sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi oo ku geeriyooday dalka dibaddiisa dhawaan, balse lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa maanta.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada ka tirsan, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay aaska marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi oo ka mid ahaa haldoorkii iyo halgamayaashii bulshada reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu goobta aaska kula kulmay xubno ka mid ah qoyska marxuumka oo ka tacsiyadeeyey geeridiisa, waxaannu kula dardaarmay inay ku sabraan qaddarka Alle, isaga oo marxuukana Ilaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Waxa kaloo Madaxweynuhu halkaa kaga hadlay taariikhdii ma guuraanka ahayd ee Marxuum Axmed-yaasiin Gaba-xaddi iyo kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee bulshada reer Somailand soo martay, “Marxuum Axmed-yaasiin Gabay-xaddi waxa uu ahaa haldoorkii, aqoonyahankii iyo hoggaamiyeyaayaashii Somaliland raggii faro-ku-tiriska ahaa ee kasii hadhsanaa, muddadii isaga iyo raggii la faca ahaa ay dalka madaxda iyo talo-qabeenka u ahaayeen waxay soo mareen halganno badan oo kii Ingiriiska, kii SNM iyo kii dambe ee dib-u-heshiisiintu ka mid yihiin, waxaanay inoo jeexeen dad midaysan oo aan kala qaloonaynin oo aan kala qoqobnayn oo waxay isku qabtaan iyagu markaba xalliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face