Araweelo News Network

 


Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha la doortay ee Somalialnd Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti sare oo ka socda dalka Djibouti, kuwaas oo isugu jira xildhibaanno, dublomaasiyiin, safiirro iyo saraakiil kale.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, la-taliyaha gaarka ah ee Ra’iisal-wasaaraha Djibouti Md. Nagiib Kaamil Cabdallah, Safiirka Djibouti u fadhiya Somaliland Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye iyo saraakiil kale, waxaanna weftigaasi markii ay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ka soo degeen ay Madaxweynaha kulan kula qaateen gurisiisa.

Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Jahmuuriyadda Somaliland, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka la doortay Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye-ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere iyo xubno sare oo xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxaana labada dhinac kulankooda diirrada ku saareen dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo kulanka kadib faahfaahin bixiyey, ayaa tilmaamay in socdaalka weftigani ku yimaadeen dalka Somaliland iyo kulanka ay la qaateen Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu marag ka yahay xidhiidhka toolmoon ee labada dal ka dhexeeya, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay ahaayeen hambalyo soo dhaweyn ah oo kasoo horraysa tii Caleemo-saarka, taas oo markhaati ka ah jaarnimada labada dal iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti oo runtii mid aan la ilaawi Karin ah, imikana aanu rajaynayno inuu xidhiidh aad u ballaadhan noqdo, Jabuuti waxa naga dhexeeya Jaarnimo, walaaltinimo iyo waxyaallo badan, waana dad dega labada dhinacba”

 

Xildhibaan Cali Cabdi Faarax oo kamid ah weftiga reer Djibouti ee booqashada ku yimi Somaliland, ayaa isaguna farta ku fiiqay in booqashadoodu salka ku hayso isku dhawaanshaha labada dal iyo xidhiidhka wanaagsa ee u dhexeeya bulshada isku dhiigga iyo dhaqankaba ah ee labada dhinac ku kala dhaqan, waxana uu yidhi, “Waxanu u nimi walaaltinimo iyo hambalyeynta madaxweynaha lagu doortay doorashadii sida fiican u dhacday, Somaliland-na waa dalka noogu dhow, dhaqaale ahaan, diin ahaan iyo dhiig ahaanba, inaanu markaa dadka kale kasoo horrayno oo aanu kasoo hor marno oo aanu kasoo horrayno caleemo-saarkii bisha dambe dhacayey socdaalkayaga ayaana tilmaamaya inta aanu isku jirno, waana hambalyeynay madaxweynaha umadda reer Somaliland dooratay, waana u ducaynay inuu Ilaahay xilkaas ku garabgalo.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyey doorashadii xorta iyo xalaasha ahayd ee dalka ka qabsoontay, waxana uu sheegay inay Somaliland ku tallaabsatay horumar aanay gaadhin dalalka kale ee qaaradda Afrika, “Socdaalkayagu waa mid walaalnimo iyo darisnimo, ka kale ee caleemo-saarkana Jabuuti way iman doontaa oo wefti rasmi ah ayaa iman doona, umadda reer Somaliland-na waanu ugu hambalyeynaynaa sida quruxda badan ee ku dayashadu ku jirto ee iyada oo aanay cidina caawin ay doorashadaa heerka sare ah ee casriga ah ee la isku raacay inay tahay tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee qaaraddan Afrika ka dhacday, waana inta aad dadka dheer tihiin in idinka oo aan la idin aqoonsan oo aanay cidina idin gargaarin aad gaadheen, aqoonsiguna waa ka umaddu is aqoonsatee idinkaa is aqoonsatay,” ayuu yidhi xildhibaan Cali Cabdi Faarax.