Araweelo News Network

Ahmed Madobe Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba land photo file

Kismaayo(ANN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland  ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee dalalka Khaliijka iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay Soomaaliya, wuxuuna si weyn u dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku waajahan khilaafka dalalka Carbeed ee Khaliijka.

 

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay mar uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegey dalalka Ethiopia, Kenya  iyo Imaaraadka Carabta ee UAE, wuxuuna  ku eedeeyay dowladda Federaalka  inay ka leexatay mowqfikii ay hore u qaadatay ee dhexdhexaadnimada oo ay dhinac noqotay.

 

“Arrinta khaliijka dowladda Federaalku dariiq sax ah umay marin marka la eego tallaabooyinka  ay ku dhaqmayso,  markaa waa inay dib uga noqotaa  go’aankeeda, annagu haddii  aannu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yidhi, Axmed Madoobe, wuxuuna xusay in dawladda Federaalku go’aankeedii ka dhigtay in ay la safato dalka Qadar.

“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadkii hore sheegtay in ay go’aan dhexdhexaad  ah ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna ku baaqay in muaranka Khaliijka lagu dhameeyo wada hadal.