Araweelo News Network

 

 

Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa si balaadhana loo qaabiley gegida diyaaradaha.

Waxaana Madaxweynaha madaarka ku soo dhaweeyay madax sare oo katirsan dawladda imaaraadka carabta waxaanay wakhti kooban labada dhinac ku wada qaateen qolka vip-da garoonka, iyagoo iska xog wareystay xidhiidhka labada dal ka dibna madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxaa loo soo galbiyay qasriga lagu casuumo madaxda caalamka, halkaas oo la dajiyay weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Halkan Ka Daawo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland.