Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha qaran ee lagu hagi doono bahda garsoorka Somaliland oo muddo dheer la isku soo dubbo-ridayey.

Kulanka lagu daah-furay qorshaha qaran ee lagu hagi doono waaxda garsoorka ee dalka, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, wasiirka caddaaladda, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, wasiirka horumarinta beeraha, Mudane, Axmed Muumin Seed, xeer ilaaliyaha guud, Mudane Xasan Axmed Aadan, khubaro ka socotay mac-hadka tabobarka shaqaalaha dawladda oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaake Axmed Muxumed, madax ka socotay hay’adaha ay bahda caddaaladda wada-shaqaynta leeyihiin, madaxda ururrada bulshada, xubno katirsan goleyaasha sharci-dejinta qaranka iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu falanqeeyey muhiimadda uu qorshahan qaran uu leeyahay iyo sida hufan ee loogu nashqadeeyey tallaabooyin hore loogu marinayo waaxda garsoor ee qaranka.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay horumarinta garsoorka iyo hannaanka caddaaladeed ee qaranku iyo sida ay ka masuuliyiin ahaan uga go’an tahay inay qaranka u sameeyaan qorshe cad oo sannadaha soo socda la raaco, kaas oo noqon doona toobiye cad oo ay bahda garsoorku isticmaasho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali

Xubno ku hadlayey magaca hay’adaha bahda garsoorka ka taageera arrimaha caddaaladda iyo garsoorka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si mug leh bahda garsoorka ugu ammaanay qorshaha ay diyaarsadeen, waxana ay xuseen inuu qorshahani fure u noqon doono sidii loo heli lahaa jid toosan oo garsoorku raaco.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isuguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda ay bahda garsoorku leedahay iyo sida ay laf-dhabarta ugu tahay jiritaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaynnu ognahay inuu garsoorku yahay laf-dhabarta qaranka, sababtoo ah mar walba waa meesha lagu eerto ee loosoo noqdo haddii hay’adaha kale ee qaranku is qabtaan, wixii shuruuc ah ama distoor ah ama fasiraad ah waa halka loo soo noqdo. Waxa kale oo aynnu ognahay inaanay hay’adaha amnigu aanay la’aantood shaqaynin, waana halka ay kusoo dhammaadaan.”

Guddoomiyaha maxkamadda sare, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu iftiimiyey inuu qorshahan cusub ee ay bahda garsoorku hirgeliyeen yahay mid la jaan-qaadaya qorshaha horumarineed ee heer qaran, “Qorshe-hawleedkan maanta yaallaana waa shan sanno, waxana loo baahday in la dejiyo nidaam ku sar go’an qorshaha horumarineed ee labaad ee heer qaran (NPII) ee madaxweynuhu hoggaaminayo, waxana uu qayb ka yahay qorshaha qaran ee guud,” ayuu yidhi guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka daah-furay, ayaa carrabka ku adkeeyey shaqada adag ee ay bahda garsoorku u hayaan bulshada iyo sida ay duruufaha adag ugu dhabar-adaygaan, waxana uu yidhi, “Waxa aan aad u dareensanahay, qof ahaan, dawlad ahaan iyo xisbi ahaanba muhiimadda ay leedahay caddaaladda iyo garsoorku iyo hawsha, dhibta iyo adkaysiga ay qabaan dadka maanta caddaaladda ka shaqeeya ee dhaqaale yaraanta leh, ee amniga leh ee caafimaadka leh ee ay haddana ugu dhabar adaygaan inay garsoorka ilaaliyaan, waanan ku bogaadinayaa, intii aannu joognayna xukuumad ahaan waannu ku dedaalnay inaanu taageerno bahda garsoorka iyo caddaaladda wixii dhaqaale loo hayo.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland