Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta 09.05.2018 ka qayb-galay xuska maalinta bilaha cas iyo laanqayraha cas ee 8-may oo ku beegnayd sanad guuradii 155-naad oo lagu qabtay xarunta bisha Cas ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi waxa uu kormeer ku soo maray dhammaan goobaha loogu shaqeeyo dadweynaha ay ugu mudan yihiin kuwa laxaadkoodu aanu dhamaystirnayn, waxa kale oo uu soo kormeeray agabka ay ku shaqayso bisha cas oo runtii wax badan ka taray baahiyaha lagama maarmaanka u ah dadka aan laxaadkoodu taamka ahayn isagoo madaxweynuhu indhihiisa ku arkay iyagoo samaynaya lugo loogu talogalay inay ku socdaan dadka aan lahayn qaybo ka mida lugahoodu, isla markaana waxa madaxweynuhu arkay iyagoo ku socda qaar ka mida dadkii ku sugnaa goobtaasi, agabkii la sameeyey.

Markii kormeerka madaxweynuhu soo dhammaadayna waxa uu ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loogu qabtay xarunta bisha cas oo ku beegnayd sanad guuradii 155aad ee ka soo wareegtay maalinta bilaha cas iyo laanqayraha cas ee 8-May, oo ay maalin dib u dhigeen maamulka bisha casi, qabteenna maanta oo ay taariikhdu ahayd 09.05.2018.

Waxaana ugu horayn ka hadlay goobtaasi gudoomiyaha hay’adda bisha cas ee Somaliland, Mudane Axmed Cabdi Bakaal oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu soo sharfay ugana soo qaybgalay maalintan qiimaha badan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Laanqayrta cas wakhtigii la aas aasay waxa laga joogaa hadda boqol iyo shan iyo konton sannadood (155 years), sanad walba waxbaa la qaataa, sanadkana halku dhigu waxa weeyaan in qofkasta oo baahan loogu tago meesha uu joogo, laanqayraha casna waxa maanta ka mid ah 191 dal, insha Allaah 192kana waxa aynu filaynaa inay noqoto dalka Somaliland, markaana la ictiraafo Somaliland, insha Allaahna waynu heli ictiraafka, ururka bisha casna hawlo badan ayuu qaranka u qabtaa waxaana ugu horeeya arrimaha caafimaadka, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa xaga naafada u adeegideeda, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa baahiyaha binu-aadamka iyo arrimo kale oo badan”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “madaxweyne waxa i sharaf ah in aan maanta kugu soo dhaweeyo ururka bisha cas ee Somaliland, waxaan doonayaa madaxweyne in aan xuso in labadii kun iyo kowdii (2001) anigoo wasaaradda caafimaadka markaa joogay oo ay ha’adda bisha casna halkan ku jirtay ay ka jooga shaqaalihii wakhtigaasi bakaal iyo dhawr kale, imikana waynu aragnaa cududa shaqaale ee ay bisha casi leedahay, waa wax lagu faano runtii, waa horumarka ay Somaliland gaadhay dhawr iyo toban kaa sanadood, waxa kale oo aan xusayaa in bisha casi ay laf dhabar ka tahay adeega caafimaadka iyadoo taakulaysa dhawr iyo sodon xarumood oo ay wasaaradda caafimaadku leedahay”.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa yidhi “aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa bisha cas, caalamka guud ahaanba hawlaha ay u qabtaan ee samafalka ah ee ay u adeegaan dadka nugul, waxa kale oo aan hambalyeynayaa dhalinyarada faraha badan ee dhawrka kun gaadhaysa ee reer Somaliland, ee halkan badhkood fadhiyo ee aadka u da’a yar ee dalkooda tabaruca ugu shaqeeya, dal aan dhalinyaradiisu tabaruc ugu shaqayn ma horumaro, bisha cas dhaqaalaha ay ku socoto iyo mishiinadaa dadkeena taagta daran u shaqaynaya, dhaqaalaha ku baxa waxa keena dad innala mida oo dalkooda u shaqeeyey, dhaqaalihii dheeraadka ahaa ayey inaga sadaqo inoo siiyaan, mustaqbalka fog waxa aynu doonaynaa in aynu ka baxno sadaqada oo aynu inagu bixino, waan ku faraxsanahay dhalinyaradiina u shaqaynaysa bisha cas kuwa kale oo dhana sidaasan ka rajaynayaa inay dalkooda tabaruc ugu shaqeeyaan.

Intaa waxaan ku darayaa bisha cas maalintii la furaayey oo halkani hool qudha ahayd oo Cali Jirde furaayey iyo maanta oo muddo dheeri ka soo wareegtay oo laga yaabo in dhalinyaradiinan shaqaynaysaa aydaan dhalana goob-joog ayaanu u ahayn, waxaan ku bogaadinayaa horumarka ay ka sameeyeen Hargeysa iyo inta laamood ee ay fureen, qalabka ay keeneen iyo hawsha ay u qabtaan dadka, waxaan ogahay inaad ka shaqaysaan caafimaadka, inaad u shaqaysaan naafada, inaad beeraha ka shaqaysaan, inaad biyaha ka shaqaysaan, waxa xusuus dheeraada mudan oo bisha cas qofkii maalin u shaqeeyey iyo qofka cimrigiisaba u soo shaqeeyey aan ugu mahadnaqayaa, markii shuban biyoodku ka dhacay magaalada Burco, hawshii ay galeen bisha casi hadaanay jirin masiibadii sidii looma kaantarooleen, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, waxan ku soo koobayaa bisha cas hawshaa ay hayso waan ku bogaadinayaa wanan ka shaqaynaynaa, xaga dawladdana wixii ay uga baahdaan diyaar ayaanu uga nahay, waxaana inoo dhaxaysa wasaaradda caafimaadka, mar alla markii la isu baahdo hawlihiinu waa samafal oo waa degdeg markii la isu baahdo, galab, habeen badh, aroor, markaad doontaanba diyaar ayaanu idin nahay idinkoo ay wasaaradda caafimaadku idinla shaqayn doonto, wixii aad u baahataan ee xeerar ah ee aad ka hadasheena ama dhaliila ee aad sheegaysaan idinka iyo wasaaradda caafimaadka oo wada socdaa wixii aad ila timadaan diyaar, maqbuula weeyi, hore ayaan idinka sii ogolaanayaa waayo wixiinu waa samafal.

Waxa aan u mahadnaqayaa dadka ka yimid daafaha dunida ee shaqada caalamigaa ee tabaruca ka shaqaynayaa wixii ay dalkeena u tareena waan uga mahadnaqayaa, dhalinyarada halkaa fadhida ee dalalka shiyeeye inooga yimid waan u mahadnaqayaa” Bisha casina waxa ay madaxweynaha gudoonsiiyeen shahaado sharaf muujinaysa in madaxweynuhu bisha cas ka yahay xubin sharafeed.

Wa-bilaahi Tawfiiq