Araweelo News Network

Hargeysa(ANN()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa si qoto dheer uga hadlay khasaarihii ka dhashay duufaantii ku dhufatay xeebaha Somaliland isagoo xusay inay geysatay khasaare naf iyo maalba leh welina ay socoto gurmadkii loogu jirya dadkaasi ku sugan xeebaha Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu yidhi “Horta illaahay ha inaga nabadgeliyee duufaantu waxay ka mid tahay masiibooyinka waa weyn ee adduunyada ka dhaca, dalkeenu hore ummuu lahaan jirin, oday ka sheekee taariikhda, duufaan intaa leeg, xoogaa leh, weynu arki jirnay duufaano weliba u badan intaa bariga ee hindiyan ooshinka (Indian ocean) ku beegan, juquraafi ahaan ee geeska afrika halkay badda weyn ka gasho, badda-cas oo badyar ah inta badan duufaanadu, laabkaa lamay soo wareegi jirin, cimilada adduunka ee isbedesha awgeed ee ay sheegaan culimada cimilada taqaanaa.

Duufaantani waxay ka kacday oo ay ka bilaaban tahay meel dhaw oo gasiiradan saqudara agteeda, dabadeedna xoogii ay samaysatayba waxay u leexatay xaga badda cas iyadoo xoogeedii wadata ayey xeebaha ku soo dhufatay laas-qoray ilaa lowyo caddo, xoogeeda weyni wuxuu ku dhacay oo ay martay iyadoo kooban, lughaya wixii koonfur uun ugu beegan oo aan balaceeduna markaa balaadhnayn, laakiin roobkii, dabayshii, biyihii dhacayey iyo dhaxantii ayaa ilaa jabuuti iyo geeska gaadhay.

Khasaaraha Somaliland ka soo gaadhay ee hadda dhimatay waa 49 qof Somaliland oo dhan, todoba qof raq iyo ruux lama hayo daadadkiibaa qaaday badday ku dareen oo ay ku jireen qoysas sidooda u deganaa, shanbaa carruur shan jir ka yar ah dadkaa dhintay, 70 tanna waa dhaawac, magaalooyinka dumay way badan yihiin, magaalooyinka aqaladii, iskuuladii, MCH yadii, waa badan yihiin meelaha khasaaruhu gaadhay.

Waxa la yaab leh dabayshani waxay siday ee dhibaatada weyn keenay waxa weeyi xoolihii ayaa 80% in ka badani baxday, waxa la yaableh xoolaha waxa ugu naf adag oo aynu islahayn binu-aadankana wuu ka naf adag yahay waa geella, Geeli Xaraysnaa halkiisu ku bakh-bakhtiyey, kii daaqayey een la xarayn ee dibeda joogayna midwalba halkiisay ku kojisay oo uu ku bakhtiyey, awrtii dab-ranayd, awrka 14 jirka ah ee mici maraara’alaha ah, dameeraha uunba ka naf adag awrkaa, halkii uu ku dabranaa ayuu ku bakhtiyey, horta ilaahay mahadii weeyaan xooga intaa leekaa, ama saxal cudura ha sido, ama baraf ha side, dhimashada binu-aadamku dadka aad iyo aad ayey uga yar yihiin marka loo eego xoolaha.

Dhimashada Xoogeedu waxay ku dhacday laba degmo lughaya iyo baki, degmooyinka kale dadku waa laba-laba qof, iyo qof-qof ayuu ugu dhintay, illaahaybaa keenay ilaahaybaana inooga cawil celin doona qaranka, waxa intaa dheer, waxa go’an dhammaan jidadkii ka dhacaayey buuraha ee xeebta u dhacaayey, had iyo jeer waynu naqaanaayo wadada ka dhacda buuroo dhami waa cidhiidhi, waa wado khatara, markaa wadankeenu ma dhisna, waa jidcadde, jidcadkuna waa biyo mareen, markaa imika wax dhiba gaadhi aan land-cruiser ahayni siduu u gaadho meelaha qaarkood ayaa dhiba.

Waxa jira raashin baxay oo ay iska ururiyeen guddidii hore ee abaaraha awdal oo kayd ku hayey iyo kuwo halkan laga dirayba, waana dhib wixii aanay Helicopter qaadini weli dhexday ku sii jiraan wuu gaadhi kari la’a yahay weliba waa lughaya oo qudha, Lughaya, geerisa iyo xariirad waxay isu jiraan 120Km inta u dhaxaysa weli lama gelin, wararka ka imanayaana waxa weeyi dadku waa fayowyahay laakiin xoolihiibaa ku dhamaaday jidadkiina waa buuxaan, dawga qudha ee la marayaana waa ka kadhaadhaca xadka ee mara xariirad ee mara cabdiqaadir iyo kan bulaxaar sokadeeda ka wareega oo isna dhib badan oo booyadii halkan ka tagtay ee lagu waday inay u dhaamiso lughaya ay ku jirtay 48 saacadood oo kolba land-cruiser lagu jiidayey, dhibaatadaasa dhacday ilaahay uunbaynu gargaar ka sugnaa.

Waxa ilaahay mahadii ah in shicib iyo dawladba gurmad la wada galay, ku duceeya, ku xoolo ku tara, ku xoogiisa la taga iyo ku aqoontiisa la taga, markaa ummadda Somaliland waxan u soo jeedinayaa oo looga fadhiyaa in qof walba wixii uu tamar hayo, gurmadkaa ka qaybgalo, kii xoolo haya uu xoolaha huro, kii aqoon lihi uu aqoontiisa huro, kii xooglihi uu xoogiisa huro, wixii aynu ku tari karnaba ilaa laas-qoray wixii ay laash ku shaqaysanayeenba ka baxay oo ay baddu qaaday, ummad dhan oo ku tiirsanayd kalluun oo warshado ku lahayd ayaan qofna ka shaqo tegin ama waxyari shaqeeyaan ilaa kii xoolaha lahaa insha Allaahu waynu ka soo kaban illaahayna isagaa raxmaanahoo cawil khayr qaba ayuu ina siin oo isagaa inoo dedejin. Waxa jirtay guddi gurmadka qaabilsan oo dhawr wasaaro qaabilsan waxay samaynayeen hordhac dhibaatadu intay leegtahay iyo waxyeelada jirta, waxaanay imika samaynayaan warbixin caama, si nidaamsan oo waxa dhacay caalamkana loo gaadhsiiyo inaguna aynu u ogaano, hawshuna u qaybsanaato oo isku buuq iyo kala yaac u imanin.

Gurmadkii u horeeyey waxa uu inaga soo gaadhay Jabuuti, kii labaadna waxa uu inaga soo gaadhay imaaraadka carabta, caalamka kalena gurmadkoodii aad bay isu qaban qaabinayaan safaaradaha oo dhami way ila soo hadleen, hay’adaha oo dhami way ordayaan, hay’adaha qaarkoodna goobta way gaadheen waxan ugu tegay hay’adda UNICEF, hay’adduhu si wanaagsan ayey isu qaybiyeen oo waxay u kala baxeen sanaag, saaxil, maroodi-jeex, gobol-gobol baa loo qaybiyey, laakiin gobolada buuraha ka hooseeya ee buuralayda ayaan la mari karayn dhibaatadu waa taa inaguna weli helicopter maynaan yeelan insha Allaah mustaqbalka waynu heli doonaaye.

Ugu danbayn waxan ku soo koobayaa dhibaatada dhacday intaasay leegtahay, qarankana waxa la rabaa inuu u gurmado siiba dadka caafimaadka yaqaana ayaa loo baahan yahay xoolaha iyo dadkaba, jaamacadaha, cusbitaalada, kuwa gaarka ah (private) ka ah ee dadka badan haya maanta waa heer qaran gurmadkaa waa laga wada qayb gelayaa iyadoon la farin ayuu cusbitaal waliba shaqaalihiisa, jaamacad waliba caafimaadkeeda, waxa hoggaaminaya wasiirka caafimaadka waa la qorshaynayaa sidii loo gaadhi karo dadkaa, xannaanada xoolaha dhalinyarada xooga ah sidii loo gubi lahaa xoolihii bakhtiyey oo jiifa meelihii biyo mareenka ahaa, hadduu roob kale da’o oo uu qaado xoolaha bakhtiga ah dadkuu ku soo rogmado biyaha ay cabi doonaan, gurmad weyn baynu u baahnay qof waliba dhankiisa ha iska xilsaaro, waxaana hoggaaminaya gudida gurmadka iyo hay’adda ka hortaga aafooyinka oo iyagu waa kuwa hawsha fulinaaya ee goobta jooga, guud ahaana guddidaa waxa u qaybinaya hawsha wasaaradaha oo u qaybinaya dadka hawsha qof walbana waa inuu u diyaar garoobaa ka qaybgalka hawsheeda”.

Dhammaad