Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti maal-shadeyaal ah oo ka socda dalka Malaysia, kuwaas oo uu hoggaaminayo maal-qabeenka caanka ee u dhashay dalka Malaysia, ahna guddoomiyaha wershadda hilibka ee magaalada Burco ee Tayyid Quality Meat Mr. Rethwan Tengku.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftigan ganacsadeyaasha ah ee kasoo jeeda dalka Malaysia, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa si qoto dheer loogaga wada-hadlay muhiimadda ay wershadda hilibka ee TAYYID Quality Meat ee magaalada Burco u leedahay guud ahaan qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka geysan karto inuu hilibka Xoolaha Somaliland ka helo dalka Malaysia suuq xaami ah oo lagaga bixi karo baahida suuq yaraaneed ee soo wajahday Xoolaha Somaliland, waxaana ay ganacsatada wershaddan maalgashaday tilmaameen inay wershaddaasi ka qayb qaadan doonto sidii suuq cusub loogu heli lahaa Hilibka xoolaha ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii kulankani socday muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu dalku helo maal-gashi cusub, gaar ahaan dhinaca xoolaha iyo Hilibkooda oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isla-markaana ay arrintani kaalmaha hore kaga jirta qorsheyaasha xukuumadda uu hoggaamiyaa ku doonayso inay kor ugu qaaddo dhaqaalaha iyo dakhliga dalka soo gelaya.

Markii kulankaasi dhammaaday, waxa kulanka ka war-bixiyey wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa faah-faahiyey natiijada kulanka, waxaana uu ugu horrayn sharraxay muhiimadda ay wershadda Hilibka ee Burco bulshada u leedahay, cadadka xoolaha ay maalintii qali doonto iyo sida ay fursadda ugu tahay suuq cusub oo ay xooluhu ka helaan meelo badan oo caalamka ah, waxaana uu yidhi, “Ganacsatada uu madaxweynuhu la kulmay waxa ay maalgaliyeen wershaddii ugu weynayd ee Hilibka qasha ee Somaliland laga dhiso, waana wershad qali doonta xoolo badan, maalintiina waxa ay awood u leedahay inay qasho 1,500 (Kun iyo shan Boqol) oo neef, waxaana ay ku socotaa inay maalintii qasho 5,000(Shan kun) oo neef, waxaana aanu rajaynaynaa inay noqoto waddo ay maraan xoolihii noolaa ee la dhoofin jirey iyaga oo Hilib ah, lacag aad u badan baa gashay oo ganacsato reer Somaliland ah baa saamiyo ku leh, Ururka ka ganacsada hilibka ee Burco ayey sidoo kale xidhiidh wanaagsan la leeyihiin,”.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya sida uu madaxweynuhu u barbar taagan yahay inuu dalku helo maal-gashi cusub, isla markaana uu muhiimad gaar ah siinayo suuq cusub oo ay xoolaha Somaliland helaan, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaanu ku rajo weynahay inuu mashruucaasi noqdo mid guulaysta, dawladduna si buuxda ayey u barbar taagan tahay, maantana waxa uu madaxweynuhu weftiga u ballan qaaday inuu taageero ballaadhan siin doono, xukuumadduna kala shaqayn doonto sidii ay wershaddaasi hawlaheeda u qabsan lahayd, waxaana uu sheegay inay arrintani tahay tallaabo keeni karta inay maal-gashadeyaal kale dalka kusoo dhiirradaan.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay wershaddani dalka u keeni karto faa’iidooyin tiro badan oo ay ugu muhiimsan tahay shaqo-abuur badan oo shacabka reer Somaliland ka helaan iyo dhammaanba waxyaabaha kale ee kasoo hadha hilibka xoolaha ay qali doonto oo ay harguhu kamid yihiin oo dhammaantood dibadda loo dhoofin doono.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland