Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga ugu hanbalyeeyay munaasibada curashada sanadka cusub ee Islaamka 1436 Taariikhda Hijriyada oo ku beegan Sabti 25 Oct 2014.
Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa lagu yidhi sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan Sabtida Beri oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka hanbalyada sanadka cusub ee Islaamka.
Araweel News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com