Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

Wareegto Madaxweyne
Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.