Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi safar Photo file (Araweelo News Network)

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. ayaa safar aan hore loo shaacin oo uu maanta ugu boqoolay dalka Imaaraadka Carabta! iyadoo madaxweynaha loo fidiyey marti-qaad rasmi ah, Isla markaana loo soo diray diyaar khaasa oo ka qaaday garoonka diyaaraha ee Cigaal International.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa dalka kaga baxay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarar khaas ah oo Dalkaas looga soo diray.

Ka hor intii aanay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, waxa socdaalka weftiga faah-faahin ka bixiyey wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isaga oo carrabka ku ballaadhiyey inay weftigu marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadalladiisii kamid ahaa, “Waxa dalka ka amba-baxay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay u socdaan dalka Imaaraadka Carabta, iyaga oo casuumad rasmi ah ka helay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa nala socda guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.”

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga faah-faahin uga bixiyey waxyaabaha weftiga u qorshaysan inta ay ku sugan yihiin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray inay wefti ahaan ku rajo weyn yihiin inay natiijo la taaban karo halkaas kala soo hoyan doonaan, “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay muddo maalmo ah halkaas ku maqnaadaan, waxaana muddada ay dalkaas ku sugan yihiin u qorshaysan inay kulamo la qaataan madaxda kala duwan ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Halkan Ka Daawo.