Araweelo News Network

Nouakchott(ANN)-Madaxweynayaasha Dalalka Kenya Uhuro Kenyatta Iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka baaqday in ay ka qay galaan shir-madaxeedka Midawga Afrika ee la filayo inuu maalinta beri ka furmo Caasimada Dalka Mauritania ee Nouakchott.

Kulan madaxeedka oo ay ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa la filayaa in lagaga hadlo Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika iyo sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha muhiimka ah ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA).

Sidoo kale, waxa la filayaa in arrimaha lagaga doodayo ay ka mid yihiin sidii qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan lahayd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika,  wadamadda Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

 

 

Hoggaamiyayaasha Afrika waxa  kale oo la filayaa in ay kaga wada hadli doonaan Heshiiskii Nabadda ee ay Madaxweynaha dalka South Sudan, Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar todobaafkii hore ku kala saxeexdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoom.

 

Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaadayo waxa ka mid ah sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Afrika ka reebay dunida si loo gaadho horumar ballaadhan oo ay qaaradda Afrika ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kigambe oo ah Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, ayaa shalay gaadhay caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad Cabdulcasiis.

Dhinaca kale, Madaxda dalalka Afrika ayaa la sheegay in aanay qaarkood ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo Madaxweynaha dalka Kenye, Uhuru Kenyatta la sheegay inuu ka baaqday Shirkaasi,.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta u baaday sbaabo la xidhiidha xaallado degdeg ah, Wxaana Shirkaasi Kenya u matali doonta wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Monica Juma.

Paul Kigambe waxa la rajeynayaa inuu shir-guddoomiyo Shirka caadiga ah ee 31-aad ee Madaxada Afrika u furmi doona, kaas oo muddo laba maalmood ah soconaya.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo aan la ogayn sababta uu uga baaqday Shirkaa, ayaan la ogayn sababta uu uga baaqday, balse Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa madaxweyne Farmaajo u diray Shirkaa.

Dhinaca Somaliland, ayaan la ogayn in ay jirto cid ka qayb gelay shirkaa, iyadoo Somaliland oo Ururka Midawga Afrika  aqoonsanayn madaxbanaanideeda, balse shirarka Midawga Afrika goob joog loo ogolaaday marar hore.