Araweelo News Network

Hargeysa(ANN))-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tegay xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxaana uu halkaas war-bixin ku saabsan dhibaatada ka dhalatay roobabka duufaannada watay ee ku dhuftay deegaannada xeebaha galbeed ee dalka ku siiyey ardayda kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda oo waqtigaas ku gudo jirtey waxbarashadooda caadiga ah.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, ayaa ugu horrayn shir la qaatay hormoodka kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kuwaas oo uga warbixiyey xaaladda jaamacadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay, waxaana uu madaxweynuhu maamulka guud ee Jaamacadda Hargeysa uga mahadnaqay horumarka muuqda ee Jaamacaddu gaadhay.

Intaas kaddib madaxweynuhu waxa uu mid mid u galay fasallada kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo ay xiisaduhu ka socdeen, waxaana uu halkaas kula wadaagay baaxadda masiibada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee gobollada xeebaha galbeedka Somaliland iyo waqooyiga gobolka Awdal ku dhuftay, isaga oo u sharraxay heerka ay dhibtaasi gaadhay iyo waxyeellada ay u geysatay dadka iyo duunyadii jiidahaas ku noolayd.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Ardayda Jaamacadda u sheegay inay dalka ka dhacday masiibo baaxad leh oo galaafatay nolosha tiro muwaadiniin ah iyo kumanaan xoolo ah, waxaana uu tilmaamay in Ardayda marti looga yahay sidii ay samoto-bixintaas qayb uga noqon lahaayeen, waxaana uu yidhi, “Maanta dabayl baa ku dhufatay gobollada waqooyiga Awdal, in ka badan 16,000 (lix iyo toban kun) oo qoys, ugu yaraan lix boqol oo kun oo qof iyo in ka baddan, ayaa xoolo waayey oo guryo waayey saacado gudahood, dadkaasi gurmad bay u baahan yihiin, gurmadka iyo xooggana waxa abuura dhaqaalaha, dhaqaalaha laftiisana waxa abuuri kara dad aqoontiisa bartay, sidiina oo kale, markaa inaad masuuliyaddaa u diyaar garowdaan oo aad noqotaan dad dalkan dhibaatooyinka uu ku jiro ka saara, ayaa la idinka rabaa.”

Ujeeddada uu madaxweynuhu ugu tegay Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayuu sidoo kale warbixin kooban ka bixiyey, waxaana uu tilmaamay in xoogga bahda waxbarashada Jaamacadda Hargeysa yahay mid lagu xisaabtamayo marka ay masiibooyinka noocan ahi dalka ku habsadaan, “Saaka waxaan idiin soo maray gurmad baan ahaa, gobolka Awdal iyo xeebihii oo dhan waxa ka dhacday dhibaato weyn, ugu yaraan ilaa 600,000 (lix boqol oo kun) oo qof ayaan xoolona haynin, gurina haynin, dhawr iyo soddon dhimashadooda waa la hubaa, 9-qofna waa la la’yahay, dabayshii dhacdayna ilaa awrtii Rarayda ahayd ee ugu adkayd bay laysay.Jaamiciyiintana waxa loogu warramayaa idinkaa xil-kas ah.dhibaatooyinkeenuna way badan yihiine haddii la idiin baahdo waxad tihiin xoog dalka ka jira.”

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhiirigelin iyo guubaano u jeediyey ardayda ku sugnayd fasalada jaamacada Hargeysa isagoo maamulka kaamacadana ku amaanay hawsha baaxada leh ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland