Araweelo News Network

Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray maanta Digreeto uu ku Magcaabay masuuliyiin cusub.

sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaasoo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin: