Araweelo News Network

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay hadallada xanafta iyo dhiillada xambaarsan ee ay qaar kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland warbaahinta marinayaan, kuwaas oo salka ku haya kala geynta bulshada isku duuban ee reer Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta arrinta ka hadlay, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta dalka ugu baaqay inay ka waantoobaan hadallada  xanafta leh ee ay ku kala dilayaan bulshada walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmarayso deegaanka Darar-weyne ee koonfurta gobolka Sanaag, isla markaana ay dib usoo celiyaan sumcaddii  iyo karaamadii ay arrimaha noocan oo kale ah xalka ugu ahaan jireen, waxaana uu yidhi, “Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey, laakiin haddii uu odaygii leeyahay waan dagaallamayaa dabka anigaa wada oo aanu la gabbanaynin sidee la yeelayaa, madax-dhaqameedku waa inay is waaniyaan oo iyagu is qabtaan, waana masiibo, inuu suldaankii ugu soo horreeyo dagaalkii, fidnadii iyo dagaalkii ay ballaayadu ka dhacaysay waa masiibo hor leh oo inoo kow ah.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu dib u xasuusiyey xubnaha madax-dhaqameedka ah ee fidnada hor boodaya inay dib u raacaan taariikhihii wanaagsanaa ee ay lahaan jireen cidda ay saldannada ka dhaxleen iyo sidii ay bulshada isugu soo jiidi jireen ee nabadda iyo wada-jirka astaanta ugu ahaan jireen, “Ragga maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina suldaan hebel ahow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu mar kale ka hadlay shaqaaqada beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa deegaanka Darar-weyne ee koonfurta gobolka Sanaag, waxaanu  ku baaqay in gacmaha la isu qabsado sidii dhibaatadaas loosoo afjari lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalmahan waxa dhibaatadoodu ina soo gaadhay oo uu dhaawacoodu yaallaa Laba beelood oo walaalo ah oo isku laynaya Ceel  Af-weyn, dagaalkaasina wax  alla iyo wax uu u socdo garan mayno, qof garan karaana ma jiro, kala guuri maayaan oo isu tudhi maayaan, waa inan iyo Abtigii, isu seeddi, habar-wadaag, iyaga uun baana kala guursada, nasiib-darro wixii dhibaato ina soo martay waligay maan arag dhexdeena lix saacadood gudahood konton qof oo dhimasho iyo dhaawac ah, in PKM dabada la isu qabtaa wax la qaadan karo ma aha, xataa haddii la is dilolna tudhaale ayaa jira, waxaana ay u baahan yihiin inaynu qabanno, shaydaan baana ka adeegay oo waa masiibo qaran, dhammaanteenna waxaan soo jeedinayaa inaynu isugu tagno oo aynu gacmaha ka xidhno oo aynu hubka ka qaadno, dhammaanteenna waynu isugu tegaynaa oo miyirka ayeynu kusoo celinaynaa.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Somaliland oo dhan waxaan ka codsanayaa inaynu dedaalka wada galno oo aynu kooda odayga ah qabanno aynu nidhaahno caqli baad leedahay, kooda taajirka ah qabanno, ka abaabulaya ee tollo’ayeeyda haya qabanno oo aynu fidnadaa gacanta ku wada qabanno mooyaane tallo kale oo maanta inoo taallaa ma jirto.”

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland