Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa koowaad marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde oo gudanaya waajibaadkooda muwaadin-nimo ayaa saaka ka codeeyay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargaysa.

Goobtaasi oo ah meelaha  ay dadweynuhu ka codaynayeen komishankuna ay dhigeen sanaaduuqda codbixiyaaysha ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee lagu dooranayo madaxweynaha bedeli doona madaxweyne Silaanyo.

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa waxa madaxweynaha kusoo dhaweeyay Guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo musharaxiinta xisbiyadda KULMIYE iyo UCID oo iyaguna isla goobtaasi ka dhiibanayey cod kooda .